HomeXoghaya Guud ee KULMIYE oo markii ugu horraysay Saxaafadda la hadlay tan...

Xoghaya Guud ee KULMIYE oo markii ugu horraysay Saxaafadda la hadlay tan iyo wakhtigii la magacaabay + Aragtidiisa Xilka loo igmaday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHargaysa (SLpost)-Xoghayaha Guud ee Xisbi-xaakimka Kulmiye oo ka hor intii aan xilka loo magacaabin todobaadkii hore ahaa Guddoomiyaha wargeyska  Jamhuuriya Mr. Xasan Siciid Yuusuf ayaa markii ugu horaysay si rasmi ah uga hadlay aragtidiisa la xidhiidha inuu ku biiro saaxadda siyaasadda somaliland loona magaacabo Xilka Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE ka sakow micnaddiisii Suxufinimo oo uu caqabado dhowr ah kala kulmay intii uu qalinkiisa maalayay.

Xasan Siciid Yuusuf oo waraysi siiyey Wargayska Jamhuuriya waxa uu sheegay in Xisbi ahaan Xukuumadda ay siiyaan tallooyin la xidhiidha sidii ay Xukuumaddu ugu dhaqmi lahayd Istaraajiyada siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE dajiyey, isagoo dhinaca kalena ka hadlay Cabashooyin ka soo yeedhaya Deegaano ka dalka mida, kuwaasoo ku doodaya inay sidii ay KULMIYE ugu liseen aanu u hambayn.

S: Md Xasan Siciid dhawaan waxa laguu magacaabay Xoghayaha guud ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE, bal ka waran arragtidaada Xilkan cusub ee laguu magacaabay iyo hawlaha kuu yaalla.?

J: Haa, waa la ii magacaabay Xoghayaha guud ee ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga KULMIYE inta ay ka ansixinayaan Golaha dhexe ee Xisbigu, run ahaantii waa hawl-balaadhan oo uu wadi jirey Alle ha u naxariistee Xoghayihii horre Marxuum Kayse Xasan Cigge oo ahaa Nin aad iyo aad u adag oo hawl-kar iyo Nin aad u dedaal badan ahaa. Aniga hawshani way ugu cusub tahay, laakiin waxaan is leeyahay waad iskala qabsan doontaa hawsha oo balaadhana wax badan waad kala qaban kartaa Xisbiga, kolay anigu maan ahayn siyaasi haddana imika ayaan ku biiray ee Suxufi ayaan ahaa Xaaladaha axsaabta iyo dalkana xog badan ayaan ka hayaa, laakiin waxaan leeyahay Illaahay hawshaa ha ii fududeeyo hawshu way balaadhan tahaye.

S: Madada dheer ee aad ku soo dhex jirtay Saxaafada qallinkaagu inta badan waxa uu u badnaa dhinaca Mucaaridnimada ama soo bandhigidda dhaliilaha dawladihii kala dambeeyey ee soo maray Somaliland oo aad ku noqotay Suxufiga ugu xadhiga badan Somaliland, iyadoo lagu xidhay ilaa 15 jeer imikana waxaad u wareegtay Siyaasad oo waliba Xisbi Xaakim talada haya ayaad gashay. Xanuunka uu lahaa qallinkii kululaa ee aad u adeegsan jirey Siyaasiyiinta hadii adiga la laguu adeegsado mudada aad ku jirto Siyaasada ma dul-qaadanaysaa.?

J: Waa run oo aniga Saxaafada wax badan ayaa iga soo maray mar hadii aan imika siyaasi noqday kolayba anigu ma noqon doono qof Saxaafada cadaadiya ee waxaan noqon doonaa mid taageera oo soo dhaweeya oo weliba u dooda madax-banaanida Saxaafada, hirgelijnta Madax-banaanideeda iyo Dimuquraadiyada. Sidii Saxaafada somaliland iyo Hay´adaheedu u dhismi lahaayeen in xarumo waxbarasho iyo Cilmi baadhiseed iyo mid Saxaafadeedba loo abuuro in Saxaafada la garab gallo waan ka shaqayn doono ee qorshahayga ku jirta ee xataa in Xisbiga KULMIYE qaataa uu horseed ka noqday

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories