HomeXildhibaan Puntland Ah Oo Lagu Dilay Muqdisho Iyo Masuuliyiinta Maamulkaas Oo Ka...

Xildhibaan Puntland Ah Oo Lagu Dilay Muqdisho Iyo Masuuliyiinta Maamulkaas Oo Ka Dayriyay Ammaanka Magaaladaas

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

xildhibaan PuntlandMuqdisho, (SLP)- Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamul gobolleedka Puntland ayaa kooxo dabley ahi ay maanta ku dileen magaalada Muqdisho, xilli uu la socday gaadhi, isagoo noqonaya mas’uulkii ugu horreeyay ee ka tirsan baarlamaanka maamul gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee magaaladaas lagu dilo.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Aadan Xaaji Xuseen Ismaaciil ayaa la sheegay inuu baryahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho, iyadoo dableyda dishay ku dhex toogteen gaadhi uu la socday, ka dib markii ay rasaas ku fureen.

Kooxaha dilka xildhibaanka gaystay ayaa watay gaadhi yar oo kuwa raaxada ah, iyagoo ku dilay xaafada Taleex oo ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, wararku waxay intaas raaciyeen in xildhibaankani la dilay uu arrimo caafimaad u joogay Muqdisho, wuxuuna xilliga la dilayay la socday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka badbaaday weerarkaas.

Dhinaca kale, guddoomiyaha barlamaanka maamul gobolleedka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa si adag u cambaareeyay dilka xildhibaankaas, waxaanu yidhi, isagoo arrimahaas ka hadlaya. “Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan eheladi iyo qaraabadii uu ka tagay xildhibaanku,waxaanan Alle uga baryayaaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo intii uu ka tagey.”

“Puntland waxay si adag u dhaliilaysaa dilka loo gaystay xildhihaan Aadan Xaaji, waana in cadaallada la horkeenaa kooxihii dilay xildhibaanka,” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka oo tilmaamay in ammaanka Muqdisho uu yahay mid aan la isku halayn karin waqtigan.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa dawladda Soomaaliya ka dalbaday in baadhitaan adag lagu sameeyo dilkan, isla markaana codsaday in gacanta lagu soo dhigo kooxihii soo qorsheeyay dilkiisa ,manuu sheegin sababta dilkiisa ka dambaysa.

Ugu dambayn, xildhibaanka geeriyooday ayaa ka mid ahaa xubnaha barlamaanka maamul gobolleedka Puntland ka soo gala gobolka Sool.

 

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories