HomeXiddigaha Manchester City oo midkiiba loogu ballan-qaaday £250,000 haddii ay ku guulaystaan...

Xiddigaha Manchester City oo midkiiba loogu ballan-qaaday £250,000 haddii ay ku guulaystaan Horyaalka Ingiriiska

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

[S]Lpost Sports – Ciyaartoyda kooxda Manchester city ayaa loo ballan-qaaday abaal-gud dhan £250,000.. haseyeeshee waxa lagu xidhay abaal-gudkan inay ku guulaystaan horyaalka Ingiriiska isla markaana beeniyaan riyadii dhiggooda United ee hanashada horyaalka.

Koocda uu hoggaaminayo tabobaraha Talyaaniga ah ee Robert Mancini ayaa qarka u saaran inay qaadaan tallaabo taariikhi ah oo lammaanaynaysa guushii ay kooxdan ku hanatay horyaalka sannadkii 1968 oo ay ugu dambaysay.

Haddii mushaharka ay qaataan xiddigaha kooxda si ay u beeniyaan riyada Manchester United ku filnaan weydo, mulkiilaha kooxda Sheekh Mansuur waxa uu isku dayayaa inuu ugu yabooho xiddigihiisa lacag dheeraad ah oo ku dhiirri-gelinayo.

Sida ay qortay jariiradda The Daily Star, waxa uu Sheekh Maansuur u diyaar-garoobayaa inuu dhiirri-gelinta ciyaartoyda kooxda ku kharash-gareeyo £4.5 milyan haddii ay City ka badiso kooxda Queens Park Rangers kulanka maalinta Axadda ee todobaadka soo socda ka dhacay garoonka Stadium.

Manchester City ayaa hoggaanka horyaalka ku haysta farqi xagga goolasha iyada oo todobaadka soo socda loo diyaar-garoobayo kulankii ugu dambeeyey ee tartanka horyaalka Ingiriiska.

Haseyeeshee, xiddigaha Mancini waxa ay haystaan farqi xagga goolasha ah oo ku filan marka loo eego kooxda xafiiltanku ka dhexeeyo ee Manchester United, waxaanay rejadoodu ku xidhan tahay iyaga oo badiya kulanka QPR si ay u hantiyaan koobka ay kooxdu muddada badan ka qataneyd, natiijo kasta oo ka soo baxda kulanka United iyo Sunderland aanay saamayn ku yeelan doonin.

SLpost Sport News

sports@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories