HomeXasan Sheekh Oo Ku Faanay Laamiyada Hargeysa iyo Boorama Ee Uu Telefishannada...

Xasan Sheekh Oo Ku Faanay Laamiyada Hargeysa iyo Boorama Ee Uu Telefishannada Oo Kaliya Ka Daawado

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa(SLpost) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo iska difaacaya eedaha xukumaddiisa uga yimaada bulshada ee ku aadan in xukumaddiisu ku fashilantay hawlaha loo igmaday ayaa ku dooday in horumar socdo,isagoo horumaro Somaliland samaysay oo uu telefishannada ka arko ku daray waxqabadka uu sheeganayo.

 

Madaxweynaha ayaa is difaacidiisa ku daray guriga uu ku sugnaa marka uu khudbadaynayay oo dib u dhis lagu sameeyay iyo jidadka Somaliland ee xadhiga laga jaro, taasi oo uu ku macneeyay in Soomaalidu wax qabsanayso iyadoon cidi waxba tarin.

 

Jamhuuriyadda Somaliland waxaa ka socda jidad badan oo bulshada degaammada jidadkaasi maraan isku xil qaameen islamarkaana ay iskood u dhisayaan, iyagoo taageero ka helaya xukumaddooda Somaliland, taasi oo sannadadii u dambeeyay hirgashay, kuwa tacabka ugu badan la galiyayna ay ka mid yihiin jidka Dawgacad, jidka wadada Cad, Dila ilaa Boorama, Jidka Balligubadle, jidka Oodweyne iyo kuwo kale.

 

Haddaba Xasan Sheekh ayaa ku dooday inay dadku  waxqabsan karaan  “Waddooyinka dalka oo dhan Min Hargeysa, Boorama ilaa Muqdisho iyo Kismaayo ka dhismaya ee maalin walba telefishanka laga arkayo ee dadka Soomaaliyeed beesada(Lacagta) ay jeebkooda ka bixiyeen ku dhismayaa miyaanay ahayn wax lagu faano oo aad loo jeclaysto. Maxaa cirkaa intan ka soo dumay iyo balaayaa dhacday iyo waa la fashilmay loo leeyahay maxay tahay waa la fashilay? Waar umaddani ma fashilmin waa tanaa waa nool nahay waa taaganahay waa soconaa horumar ayaa suubinaynaa, shalay maanta ayaan ka qurxoonahay, barina waa ka sii fiicnaan,” ayaa ka mid ahaa hadalka Xasan Sheekh.

 

Tan iyo bishii August ee sanadkan waxaa muran siyaasadeed ka abuuray Somalia mooshin ka dhan ah Xasan Sheekh, kaasi oo ilaa 100 xildhibaan soo jeediyeen in xilka laga qaado. Waxaa lagu haystaa inuu ku fashilmay hawlaha bulshadu u igmatay ee dhinaca horumarka iyo ammaanka walina xal looma helin mooshinkaasi.

 

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ah dal ka madax banaan Soomaaliya, balse ay 1960gii ay midoobeen Soomaaliya, madaxbanaanidiisana dib ula soo noqday sanadkii 1991kii. Somaliland ayaa intii ay jirtay horumar weyn ka samaysay dhammaan dhinacyada laga cabirro horumarka dalalka aan la aqoonsan.

 

 

Somalilandpost, Hargeysa Office

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories