HomeXarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo Dood ka Qabatayay Qaddiyadda Somalilland iyo Soomaaliya,...

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo Dood ka Qabatayay Qaddiyadda Somalilland iyo Soomaaliya, Halgankii hore iyo Halka loo Socdo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Maalintii lagu dhawaaqay gooni-isu-taagga iyo dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland 18-kii May 1991-kii oo sannadkasta si weyn looga xusi jiray dalka iyo waddamada dibedda ee ay Dadka reer Somaliland ku nool yihiin, ayaa 18-ka may ee sannadkan 2020-ka oo ku buuxda 29-guurada Madax-bannaanida qarankan.

Hase-yeeshee, 18 May 2020 xaaladdu way ka duwanayd amma ka beddelnayd sidii hore, Sadhada Covid19 ee Dunida saameeyey awgii, taas oo Dadku bedi guryohooda ku dabbaal-degayeen, Madaxweynaha Somaliland-na Khudbad toos ah oo uu Warbaahinta mariyey kula hadlay Dadweynihiisa, Dowladda Soomaaliya iyo Caalamkaba.

Haddaba, Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, ayaa qabatay Barnaamij toos looga daawanayey Shabakadda Faysboog, kaas oo xus iyo baraarujinta sidii ay ku timi 18-ka May, isla markaana ay dood ku wadaajiyeen Khadka Faysboog xubno kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Axmed Xasan Cali Casoowe oo hore xilal Wasiirnimo uga soo qabtay Somaliland, immikana ka mid ah hormuudka Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood, Dr. Maxamuud Xasan Taani oo ka mid ahaa Xubnihii UFO ee bilaabay halgankii Dhagax-tuurka Hargeysa 1982-kii, Ruqiya Cali Faarax oo Guddoomiye ka ah mid ka mid ah Ururrada Reer Somaliland iyo Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac.

Barnaamijka oo uu daaddihinayay Agaasimaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Iid Xasan Aw Muuse, waxay Xubnaha ka qaybgalay kaga faalloodeen halgankii ay Somaliland u soo gashay xornimadii ay Ingiriiska ka qaadatay 26-kii June 1960-kii, siduu ku bilaabmay, sidii ay u ku timi midnimadii Somaliland iyo Soomaalidii Talyaaniga ka xoroowday 1-dii June isla 1960kii, wixii midnimada kaga lumay Somaliland, halgankii dambe ee la soo noqdashada madax-bannaanida ee Somaliland dagaal qadhaadh oo Ururkii SNM la galay Dowladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya ka dib, sidii 18-kii May 1991-kii oo Bur’o loogaga dhawaaqay gooni-isu-taagga Somaliland, iyadoo Isniinta 18-ka May 2020-ka 29 jirsatay, waxa u qabsoomay muddadaas, waxa ka dhiman, halka hadda la marayo iyo halka loo socdo.

Barnaamijkaas Dood-wadaagga ah ee 29—guuurada 18-ka May ee Somaliland ee ay Xarunta Dhaqanka Hargeysa sida Tooska ah ugu qabatay Khadka Faysboog, maaddaama oo aanay isu imasho jirin Xanuunka jira awgii, Dadka ka qaybqaadanayaana meelo kala duwan joogaan, sida uu oddoroskaas, dib-u-eegista taariikheed iyo geeddi-socod ee Somaliland iyo aragti wadaaggoodaba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose.

 

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories