HomeWax ka baro mid ka mid ah Xiddigihii uu Saamaynta badnaa Kubadda...

Wax ka baro mid ka mid ah Xiddigihii uu Saamaynta badnaa Kubadda Cagta ee Jiilkii Tagay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Zinaden Zidane

Zinedine Zidane:Xiddigani waxa loo xushay kii ugu wanaagsanaa ciyaartoyga xirfaddooda ku soo qaatay tobankii sanno ee dhexeeyay 1990kii ilaa 2000. Waxa loo qaatay xiddiggii ugu maskaxda badnaa ee wakhtigaas soo maray lana tartami kara xiddigihii magaca ku yeeshay jiilkii ka horreeyay, sida Pele, Maradone iyo Cryuff.

Dadka qaarkood ayaa ku suntay magaca “Saynisyahan”, xeel dheerida xirfaddiisa awgeed, tusaale ahaa marka la tixgeliyo adeegsigiisa maskaxda ee xirfaddiisa ku salaysnaa.

Zidane oo xirfaddiisa ka bilaabay naadiga Cannes ee Faransiiska sannadkii 1988 isaga oo da’diisu tahay 16 jir, waxaana uu wakhtigiisii ugu wanaaganaa soo qaatay sannadihii sagaashamaadkii, waxaanu ahaa ciyaartoygii ugu wanaagsanaa ilaa wakhtigii uu kubadda cagta ka fadhiistay sannadkii 2006 isaga oo wakhtigaas da’diisu ahay soddomeeyo.

Xiddigani waxa uu ka mid noqday labada ciyaaryahan ee kaliya ee waligood saddex jeer ku guulaystay abaal-marinta FIFA ee ciyaartoyga sannadka, sannadkii 1998kiina waxa uu horkacayay xulkii Faransiiska ee ku guulaystay koobkii Adduunka waxaana lagu xusuustaa labadii gool ee ka dhaliyay xulka Brazil oo ay koobka ka qaadeen.

Saamayntii uu ku lahaa xulkiisa Faransiiska waxa ay soo gaadhay ilaa sannadkii 2000 oo uu mar labaad u hagay xulkiisa guushii ay ka gaadheen tartanka koobka Qaramada Yurub sannadkii 2000, waxaana la rumaysan yahay in xulka Faransiisku aanu wax saamayn ah yeelan wixii ka dambeeyay hawl-gabkiisa.

Ka dib guul-darradii ka soo gaadhay koobkii Adduuka ee 2006 oo Faynalkii isaga hor yimaaddeen Talyaaniga, Zidane waxa uu ka hawl-gabay xirfaddiisa isaga oo xulkiisa uga qayb-galay 108 kulan oo caalami ah oo uu ka dhaliyay 31 gool, waxaanu hawl-gabkiisu ku noqday xulka Faransiiska boog guul-darrooyin xambaarsan oo soo gebo-gebaysay taariikhdii kubadda cagta Faransiiska, in kasta oo laga yaabo inay yeesheen xiddigo muuqda balse saamayntoodu iska yar tahay.

Marka la eego guulihiisa dhanka naadiyada uu u ciyaaray, Zidane waxa uu xirfaddiisa ku soo barbaariyay kooxaha Faransiiska ah ee Cannes iyo Bordeaux. Wakhtigii uu kooxda dambe u ciyaarayay, waxay xirfaddiisu ka caawisay inay gaadhaan faynalkii 1996kii ee koobka EUFA-ha oo haatan loo bixiyay Europa League. Kooxda Juventus ayaa ku baraarugtay wacdaraha xiddigan booska dhexe ka ciyaara waxaanay ku soo iibsadeen qaddar lacageed oo dhan 3 milyan oo Gini.

Isla sannadkiiba, waxa uu Juventus u suurto-geliyay inay ku guulaystaan Horyaalka Talyaaniga iyo iyaga oo kaalinta labaad ku dhammaystay tartankii Kooxaha Horyaallada Yurub ee UEFA Champions Leauge, Sidoo kalena, Sannadkii xigay waxay Juventus ku guulaystay Horyaalka Talyaaniga. Xirfaddiisii kubadda cagta ee uu ku soo qaatay kooxda Juventus waxay soo gebo-gebayday sannadkii 2001, waxaana damac ka galay kooxda Real Madrid oo kula wareegtay xaddi lacageed oo dhan 78 milyan oo Yuuro taas oo ka dhigtay ciyaartoygii ugu qaalisanaa ee la kala iibsado wakhtigaas.

In kasta oo la ogsoon yahay in wakhtiga xirfaddiisu ka horreysay sannadihii sagaashamaadkii, wakhtigii uu u wareegay Real Madrid waxa uu noqday mid hoodo watay isaga oo sannadkii xigayba Real Madrid la qaaday koobka Champions League taas oo ka dhigtay markii ugu horreysay ee uu kor u qaado guusha koobkan. Sannadkii xigtay ee 2003, Real Madrid waxay qaadday horyaalka Spain. Wakhtigaas oo yeeshay sumcad la barbar dhigay ta kooxdiisa Real Madrid isaga oo sita Ciyaartoyga Sannadka ee Yurub, Ciyaartoyga Sannadka ee Horyaalka Talyaaniga, Ciyaartoyga ugu wanaagsan Horyaalka Faranasiiska, Ciyaartoyga ugu wanaagsan Tartanka Qaramada Yurub, laba jeer oo uu ku guulaystay Ciyaartoyga sannadka ee Faransiiska, Ciyaartoyga sannadka ee Kooxaha Yurub, Abaalmarinta Ciyaartoyga sannadka ee FIFA iyo Abaalmarinta Kubadda Dahabka ah ee FIFA. Sidaas oo ay tahay, Zidane waxa uu kubadda Cagta ka fadhiistay isaga oo ka mid ah ciyaartoygii qurxiyay isla markaana loo khushuucay taariikhda kubadda Cagta.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories