HomeSomali NewsSomalilandWasiirkii hore Ee Maaliyadda oo Isbarbardhigay Miisaaniyadaha Dowladaha Somaliland iyo Somalia

Wasiirkii hore Ee Maaliyadda oo Isbarbardhigay Miisaaniyadaha Dowladaha Somaliland iyo Somalia

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa isbarbar-dhig ku sameeyey Miisaaniyadaha dowladaha Somaliland iyo Soomaaliya.

Yuusuf Maxamed Cabdi waxa uu wax laga xumaado oo aan haboonayn ku tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ku faanto qaadhaan-ururinta beesha caalamku ku taageerto dowladnimada oo boqolkiiba 75 uga timaadda Qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland wuxuu sheegay in miisaaniyadda rasmiga ah ee Soomaaliya tahay 250 Milyan halka in Miisaaniyadda Dowladda ee Somaliland oo gebi ahaanteeduba ku salaysan tahay cashuurta laga ururiyo Shacabka dhan tahay 430 Milyan Dollar.

Qoraal Kooban oo Yuusuf Maxamed Cabdi arrimahan kaga hadlay oo uu ku baahiyey ciwaanadihiisa baraha bulshada ayaa u qornaa sidan:- “Marka la eego dawlad ku sheegga Xamar fadhida ee Soomaaliya, miisaaniyad-cashuureedkeeda ay dakhli ahaan u soo urursato iyo odoraskeeduba waxay dhan tahay $250 Milyan oo Doolarka Maraykanka oo keliya.

Dhammaan 1 Bilyan ee ay ku faanayaan $750 milyan oo ka mid ah, waa kab-miisaaniyadeed (subsidiary Capital budget) oo ah miisaaniyad horumar oo lagu kabo oo uga timaada dalalka Qaadhaan-bixiyeyaasha ah ee taageera iyo hay’adaha Maaliyadda dunida sida Baanka Aduunka (the World Bank) iyo Sanduuqa Lacagta ee Adduunka (IMF).

Ma jiro waddan ku horumaray oo meel ku gaadhay aduunka, hab dhawrsato ama sadaqo ah oo si xor ah u qaatay go’aamadiisa masiiriga ah. Waxa keliya ee taas laga dhaxlaa waa faqri, isku tashi la’aan, liidnimo iyo jugjug meeshaada joog.

Sidaa darteed, dhawrto lacageed ama qaadhaan laguu yaboohay, inaad ku faanto, laga wanaagsan.

Bal aynu barbar-dhigno Miisaaniyad-sannadeedka Somaliland oo gebi ahaanteed ku salaysan cashuurt1a umaddeedu bixiso taasoo dhan 430 million USD.

Markaa, cid loo qaadhaamay, iyo cid iyadu isku tiirsan, cid kalena wax ka sugaynin, midkee faan leh?

Somaliland ha guulaysato.” Sidaas ayuu wasiirku ku sheegay qoraalkiisa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories