HomeWasiir Gabboose oo Xilkii Wasiirnimo iska Casilay iyo Waxyaabaha uu ku sababeeyay

Wasiir Gabboose oo Xilkii Wasiirnimo iska Casilay iyo Waxyaabaha uu ku sababeeyay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa maanta iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka hayay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

blank
Wasiir Gabboose

Wasiirka Gaboose ayaa kaga dhawaajiyay go’aankiisan mar uu shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaanu sida uu sheegay ku sababeeyay is-casilaaddiisa si uu ugu madax-bannaanaado hammigiisa siyaasadeed, isla markaana aanu jirin khilaaf  ka dhexeeya madaxweynaha oo ku lug leh is-casilaaddiisa.

Wasiir Gaboose waxa kale oo uu tilmaamay inay jiraan tabooshooyin uu tirsanayo, hasayeeshee si guud mar ah mooyaane si hoose u muu faahfaahin.

Wasiirka oo sababaynaya is-casilaaddiisa waxa uu yidhi, “Ma jirto sabab khilaaf oo naga dhaxaysa madaxweynaha oo aan isku casilay. Madaxweynuhu waa oday rug-caddaa ah oo shacabkiisa sharaf ka mudan. Wuxuu fuliyay ballan-qaadyadii uu umadda u ballan-qaaday. Waxa uu shaqaalaha u kordhiyay Mushaharkii, waxa uu Burco ka beddelay lacagtii Giimbaarta ahayd, waxa la diiwaangeliyay Ciidamada Qaranka. Waxaan idiin sheegayaa in madaxweyne Siilaanyo Taariikhdu Xusi doonto wax-qabadkiisa.”

Wasiirka oo ka hadlaya qaabka uu xukuumadda ula shaqaynayo marka ay ururka furtaan waxa uu yidhi, “Waxaan ballan-qaadayaa in madaxweyne Siilaanyo ula shaqayn doono si habsami leh iyo taageero. Ururkagayagu waxa uu noqon doonaa mid wax toosiyo oo xukuumaddana waxa san u tilmaama.”

Waxaana uu halkaa ka caddeeyey inuu doonayo inuu u madax-bannaanado hammgiisa siyaasadeed, isla markaana uu ku talo jiro inuu dib boodhka uga tumo ururkiisii siyaasadeed.

Iscasilaadda Gaboose ayaa ku soo beegantay isla markii madaxweynuhu dalka dib ugu soo laabtay taas oo lagu sababayn karo, sida uu isagu horeba uga dhawaajiyay, ka dib markii si rasmi ah loo ogolaaday isla markaana golayaashu ansxiyeen in la furo ururro siyaasadeed.

Somalilandpost.net

Hargeysa News Desk

Somalilandpost08@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories