HomeWasiirka Gaashaan-dhigga oo sheegay inaanay Somaliland ku deg-degi doonin tallaabada la gudboon,...

Wasiirka Gaashaan-dhigga oo sheegay inaanay Somaliland ku deg-degi doonin tallaabada la gudboon, jawaabna looga fadhiyo Puntland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa (SLpost) – Wasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland ayaa eedayn kulul iyo hanjabaad u jeediyay maamul-goboleedka Puntland ee Af-duubka iyo waxyeellaynta wax-shinimada leh u geystay masuuliyiin xukuumadda Somaliland ka tirsan oo wefti ahaan ku tagay degmada Taleex ee Gobolka Sool.

Wasiirka oo Waraysi siiyaya Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable TV ayaa iftiimiyay in Somaliland aanay ku deg-degi doonin tallaabada la quman isla markaana jawaab laga sugayo ciddii falka waxshinimada leh gaysatay.

“Waxa la sugayaa jawaabta, waxse way dhici karaan, hadiise jawaabta lagu deg-dego wixii dhacay waa la i iloobi karaa, markaa cida hada la sugayaa waa iyaga. Dadkani waxa ay ahaayeen Shaqaale dawladeed oo deegaanka u dhashay, waxay ahaayeen niman horeba deegaanka u tagi jirey. runtii beryahan dambe jawi waxa uu u ekaa mid soo hagaagaya, arrintana waxay cid walba ku noqotay la yaab.” ayuu yidhi Wasiirka Wasaarrada Gaashaandhiga Somaliland Axmed X. Cali Cadami oo u warramayay Talefishinka Horn Cable.

Wasiirku isagoo ka jawaabaya Su’aal ahayd bal suurto-gal inay Xukuumadda Somaliland ay faro-gelin Malatari ku samayso Maamullka Puntland ee Soomaaliya, ayaa waxa uu yidhi “Ciidanku uma dul-qaadanayo waxa uu u arko Caga-juglayn, talaabo kasta oo la qaado talaabadeeda ayey leedahay.”

“Arrintaa imika dhacday waanu ka xunahay sida aanu uga xunahay waa la gaadhsiiyey Puntland, waajib ayey nagu tahay Karaamada ummada waxa u Xil saaran Qaran dhan, arrintaas talaabo talaabo ayaanu ula soconaa, waxaanay arrintaasi keentay dareen badan iyo shaki, loomana dul qaadan karo in Jid-gooyo la isku sameeyo oo waliba dad shicib ah oo deegaankoodii ku socda ma qaadan karno, waana wax aad u fool-xun, waxaanan leeyahay talaabo kasta waxay leedahay talaabo la fil ah.” ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhiga Somaliand.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories