Wasiir u ka tirsan golaha wasiiradda ee dalka Maraykanka ayaa go’aansaday inuu maalin walba sadex saacadood isticmaalo baaskiil. Wasiirka korontada iyo awooda nugliyeerka ee dalka Maraykanka Mr. Nabiil Asnnani ayaa gabi ahaanba ka takhalusay gaadhigiisi shaqada isla markaana ku ooday meel geerash dawladeed ah. Taa badalkeedi waxa uu wasiirkani isticmaali doona baaskiil halka uu dirawalkiisina mid labaad uga soo iibshay. Wasiirkan oo isagu asal ahaan ka soo jeeda dalka Lubnaan wuxuu ka mid yahay dadka sida wayn ugu ololeeya arrimaha deegaanka iyo bii’adda. Wasiirkani wuxuu balan ku qaaday sanadkii hore marka la gaadho bisha july ee xornimada Maraykanka inuu gabi ahaanba ka takhalusi doono gaadhigiisa. Dhinaca dirawalkiisa gaarka ah ayuu sheegay in aanu shaqadiisi waayi doonin ee uu baaskiil labaad uu ugu wehel yeeli doono. Warbaahinta oo maalintii daraad ka soo raacday wasiirka gurigiisa ayaa sheegay inuu mudo sadex saacadood ah maalin walba isticmaali doono baaskiilka saacad iyo badh shaqo taga ah iyo saacad iyo badh soo noqoshada ah. Waxa uu wasiirku maray dhul baabuurtu ku yar tahay wuxuu ka dhex booday meelo luuq luuqyo ah, meelo badan oo baabuurtu cidhiidhi ku jireen muu arag wasiirku wuxuuna ka dhinac boodayay si aan rabshad lahayn. Si kastaba ha ahaatee wuxuu wasiirkani muujiyay in dhaqaalaha iyo degaankaba la badbaadin karo, isagoo waliba jooga oo ka wasiir ah dalka aduunka ugu qanisan uguna wax soo saarka badan. Sidoo kale wadihiisi gaadhiga kamuu eryin shaqadii. Inkastoo wasiiru maalin walba u baahan doono laba labis oo guriga iyo xafiiska u kala yaala si marka uu dharka gaagaaban iska bixiyo uu u xidho dharkii shaqada.
Related stories
News
Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System
Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...
News
Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing
Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...
News
Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President
Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...
News
Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab
Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
Horn of Africa
Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership
Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland
Subscribe
- Never miss a story with notifications
- Gain full access to our premium content
- Browse free from up to 5 devices at once
Latest stories

