HomeWajaale: Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo badankoodu Curyaamin yihiin oo dib loo celiyay

Wajaale: Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo badankoodu Curyaamin yihiin oo dib loo celiyay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wajaale (SLpost)- Dawladda Somaliland ayaa dalka Itoobiya dib ugu celisay Soddon qof oo Tahriibayaal Curyaamiiin ah oo ay googgo’an yihiin Lugaha iyo Gacmuhuba oo sida ay sheegeen doonayey inay yimaddaan Caasimadda Hargeysa.

Soddon qof oo la sheegay inay dhammaantood u dhasheen Qoomiyadda Oromada Itoobiya, ayaa Jimcihii Xafiiska Laanta socdaalka Somaliland ee Tog-Wajaale dib ugu celiyay dhinaca Itoobiya ee isla magaalada Wajaale. Sida uu ku soo warramayo Weriye Cabdiraxmaan Nuux oo ku sugan Wajaale, Tahriibayaashan Naafada ah, oo la sheegay in qabqabashadooda galinkii danbe ee Jimcihii ay aheyd markii labaatanaad ee laga celiyo iyaga oo ka soo gudbay xuduudda Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinaca Somaliland, ayaa la sheegay in ay yihiin dadka dhinaca Itoobiya kaga dawarsada nabarrada kaga yaalla Gacmaha iyo Lugaha iyo googgo’a qeybaha Jidhkooda, kuwaas oo u soo xadhko-xidhay inay dabayaaqada bishan Ramadaan u gudbaan dhinaca Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

blankTaliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Maxamad Cabdi Gaas oo Warbaahinta uga warramay Tahriibayaashaas Naafada ah ee ka yimi dhinaca Itoobiya ee ay ka celiyeen Tog-Wajaale, ayaa sheegay, inay bisha Ramadaan gudaheeda tahey markii labaatanaad ee ay dadkan Naafada ah oo qaar Lugahoodu aad u bararsan yihiin, qaarna gacmaha iyo Luguhu go’an yihiin ka celiyeen xuduudda Tog-Wajaale ee u dhaxeysa Somaliland iyo Itoobiya, taas oo ay hadba dhinac kaga wareegeen iyagoo kaashanaya Darawaliinta gaadiidka isaga goosha Hargeysa iyo Tog-Wajaale oo iyagu Tahriibiya dadka noocan ah, kuwaas oo muwaaddinimada aan wax qiimayn ah ku samaynaynin sida uu sheegay Taliyuhu.

Waxa kale oo uu Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Maxamed Cabdi Gaas ka warramay inaan dadkan Caafimaadkoodu wanaagsaneyn. Waxaanu Taliye Gaas oo arrintaa ka hadlayaa yidhi; “Waxey dadkan qaarkood qirteen in ay dhawaan kasoo baxeen Cusbataallo ku yaalla dalka Itoobiya, Hargeysana ay u tagayaan sidii ay lacago badan uga soo heli lahaayeen iyagoo, ku dawarsanaya dhaawacyada ka muuqda jidhkooda.”

blankDhinaca kale, waxa la sheegay in dadkan qaarkood ay kasoo yaaceen Cusbataalka Bisi-diimo oo  ku yaalla meel u dhow Magaalada Herer ee dalka Itoobiya, halkaas oo lagu xereeyo dadka qaba xanuunka juudaanka, hase yeeshee, sida ay sheegeen dad xogp-ogaal ah xilli kasta sannadkan oo kale dabyaaqada bisha Ramadaan ay dadkani kasoo yaacaan Cusbataalkaasi iyagoo lacagaha Sekada ah u doonanaya Magaalooyinka Herer, iyo inta ay gaadhi karaan, iyagoo kootarabaan kaga soo baxsada Cusbataalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, waxey halis u yihiin dadka noocan oo kale ahi xaaladda Caafimaad ee Somaliland, taas oo laga dareemayo marka aad ka ag dhawaato kumannaanka duqsi ee daba guuraya dadkaas, waxaanay Saraakiisha Laanta Socdaalku ka dacwoodeen Darawaliinta Gaadiidka isaga goosha Tog-Wajaale iyo Hargeysa oo iyagu si kootarabbaan ah ku gudbiya dadka noocan oo kale ah.

Hargeysa News Desk

somalilandpost08@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories