HomeQalinka AqoonyahankaWada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya!- Qaybtii 10aad

Wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya!- Qaybtii 10aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(Gooni isu taaga Somaliland waa muqadis  iyo Midnimada Soomaaliya waa muqadis,waa labada  qodob ee ay isula imanayaan laba wafti ee Somaliland iyo Soomaaliya.)

Tanaasulka (Compromise):-

Isu tanaaulka waxaa loola jeedaa isfahan dhex mara labada garab ee wada hadlaya,waxaa loola jeedaa in go,aan laga gaadho  qodobada lagu kal duwan yahay,waxaa loola jeedaa in ay  isu soo  debcaan labadii garab,dhinac isaga riixaan wixii ay ku kala duwan yihiin.

Qaybtan aynu kaga hadlayno “isu tanaasulka “,waa qaybta ugu adag wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya,waa qodobada keeni kara in la heshiiyo iyo in  lagu kala kaco wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya,  waa meelaha loo baahan yahay in aad iyo aad looga taxadiro,waa  meelaha u baahan in ay  rogrogaan  shaqsiyaad  aqoon iyo waayo aragnimo fiican u leh Siyaasada Soomaaliya iyo tan  Geeska Africa,waa qoodobada aad guul waarta  kula soo noqon karto shacabkii  ku dirtay amase guul daro aanad ka soo waaqsan.

Qodobkan tanasulku waa furaha is afgarashada  labadii dhinac ee wada hadlayey, haddii uu tanaasul yimaadana  qodobka ku xigaa waa in aynu heshiis  rasmi ah kala saxeexano,halkaasna waxaa ku dhamaanaya dhamaan wixii la kala tirsanayey,la kala tabanayey,kala haystay iyo dhamaanba xurgufihii jiray.

Qodabada tanaasulkoodu aad u adag yihiin waxaa ka mid ah:-

  1. “Gooni isu taaga Somaliland waa muqadis  iyo Midnimada Soomaaliya waa muqadis”—labadan keebaa laga tanaasulayaa, ma Somaliland baa tanaasulaysa mise Soomaaliya ?
  2. Wixii dhib soo kala maray Somaliland iyo soomaaliya  1960 ilaa 1991 sidee looga wada hadlayaa,yaa ka bixinaya garowsho ma shicibka mise  Dowladaha hadda jira ?
  3. Federaalka maxaa loola jeedaa  ma Somaliland iyo Soomaaliya ayaa federal nooqonaya mise Koofurta Gaalkacayo iyo Woqooyiga Gaalkacayo ?,Jowhar iyo Marka,Bedelweyn iyo Dhuusa-ma reeb iwm
  4. Ma Somaliland  iyo Soomaaliya ayaa wax loo qayb sanayaa mise 4.5  amase 5 ?
  5. Astaamaha Qarannimo  sida  “ Dowladnimada – Shuruucda- Jinsiyada   – iyo dhamaan astaamaha ay leeyihiin laamaha Dowladu, suaashu waxay tahay ma waxa la qaadanayaa Astaanta Somaaliya  mise Astaanta Somaliland  ?
  6. Gobolada dalka ,misa gobol ayuu dalku noqonayaa ,xagee   Caasimad u noqonaysa,shuruucda Caasimada,markaa Somaliland ma 6 gobol bay noqonaysaa mise  2 Gobol iwm ?
  7. Hayadaha sharciga sida  Baarlamaanka iyo Maxkamadaha  sidee loo qaybsanayaa ma Somaliland iyo Soomaaliya mise si ka duwan ?
  8. Awooda  Dowlada –Madaxweynaha –Ku xigeenka—Gudoomiyaha Baarlamaanka –Maxkamadaha— Ciidamada— Wasaaradaha muhiimka ah side loo kala qaadanayaa  ma Somaliland iyo Soomaaliya mise si kale oo ka duwan ?
  9. Mashaariicda horumarinta side loo qaybsanayaa ?

Intaas oo qodob iyo runtii qaar kale oo badani waxay u baahan yihiin  shaqsiyaad aqoon dheer u leh sidii loo rogrogi lahaa,waxaa aad iyo aad u adag sida tanaasul looga samayn karo , waana  qodobada   ugu adag wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Hadal iyo dhamaan dad badan  ayaa qaba in ay  fudud yihiin wada hadalada dhexmari doona Somaliland iyo Soomaaliya,dad badan ayaa qaba in ay si fudud ku dhamaan doonaan,dad badan ayaa aaminsan in aanay  muhiimba ahayn qodobadan aan ka hadlayaa,qaar waxay  rumaysan yihiin haddii Soomaaliya hagaagto in Somaliland si dhaqso ah ugu soo biiri doonto Soomaalida kale –ILLAHAY ayuun baa og sida arimuhu ku dhamaan doonaan.

—–La soco qaybta ugu dambaysa ee Somaliland iyo Soomaaliya maxay ku kala duwan yihiin—


ALLAA   MAHAD  LEH

———–la soco qayb ta dambe  —–

Abdi M. Saleiman (Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com
Political Analyst

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories