HomeWaa Sidee Xaaladda Caafimaad ee Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin oo Masaajid...

Waa Sidee Xaaladda Caafimaad ee Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin oo Masaajid Dhexdii lagu Weeraray, Sidee se wax u dhaceen?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Maamulihii Guud isla markaana ah Aasaasaha Dugsiyada Nuuradiin Xaaji Mahad Ibraahim, ayaa dhaawacyo ka soo gaadheen weerar uu mid ka mid ah macalimiinta Dugsiyadaasi ka tirsanaan jiray ugu geystay masaajid dhexdii isagoo ku gudo-jira tukada Salaadda Maqrib Fiidnimadii caawa oo Jimce ah.

blank
Maamulaha Guud isla markaana ah Aasaasaha Dugsiyada Nuuradiin Xaaji Mahad Ibraahim

Lama oga sababta dhabta ah ee keentay weerarka ninkani dhaawacyada ku gaadhsiiyey Guddoomiye Mahad Ibraahim, haseyeeshee waxa xaaladdiisa caafimaad iyo qaabka wax u dhaceen faahfaahin ka bixiyey Maamulaha Dugsiyada Nuuradiin Ismaaciil Maxamuud Cakuus oo qaar ka mid ah warbaahinta isgaadhsiinta telefoonka ugu warramay.

Maamule Ismaciil Cakuus waxa uu sheegay inay wanaagsan tahay xaaladda caafimaad ee Xaaji Mahad Ibraahim oo dhaawacyo fudud ka soo gaadheen madaxa kaddib markii uu weeraray mid ka mid ah macalimiintii hore uga soo shaqeeyey dugsiyada Dugsiyada Nuuraadin, kaas oo weeraray xilli uu salaaddii Maqrib ee maanta ku tukanayey Masjidka Shaafici oo ku yaala agagaarka xaafadda Boqol iyo Kontonka (150-ka) ee degmada 26-ka June ee magaalada Hargeysa.

Maamule Ismaaciil oo ka hadlayey su’aal laga weydiiyey xaaladda Caafimaad ee Guddoomiyaha Nuuradiin Schools iyo sida ay wax u dhaceen, waxa uu yidhi, “Walaal, xaalada Caafimaad Ee maamulka guud ee dugsiyada Nuuraadiin Xaaji Mahad aad ayay u fiican tahay, Galabka ayaa isagoo Salaaddii Makhrib ku tukanaya Masaajidka Shaafici waxaa weeraray nin Dusgiyada Hoose Dhexe ee Nuuraadiin macalin ka ah,  kaasi oo dhaawacyo fudud ka soo gaadhsiiyay madaxa xili uu Salaaddii Makhrib ku tukanayay, xaaladdiisa caafimaadna way fiican tahay, mana jirto wax laf ah oo jaban, Alxamdulillah wuu talinayaa, aad ayuuna u fiican yahay”.

blank
Maamulaha Nuuradiin Schools, Ismaaciil Maxamuud Cakuush

Maamulaha Dugsiyada Nuuraadiin Ismaaciil Cakuush waxa uu sheegay in ciidammada ammaanku gacanta ku hayaan Ninka macalinka ah ee dhaawacyada  u gaystay Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin isla markaana uu xidhan yahay, wixii baadhis ah iyo sida xaqiiqadu tahayna ay baadhis ku hayaan ciidammada ammaanku oo laga war sugi doono natiijada baadhitaankooda.

Dhinaca kale, maamulaha Dugsiyada Nuuraadin waxa uu farriin u diray shacabka Somaliland gudo iyo dibadba iyo gaar ahaan ardayda Dugsiyada Nuuraadiin oo uu ku wargalinayay in xaaladda Caafimaad ee Xaaji Mahad ay aad u fiican tahay.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories