HomeTELESOM Iyo Shirkadda Isgaadhsiinta Itoobiya Oo 2016-ka Berbera Keenaya Internet-ka Badda Hoostiisa...

TELESOM Iyo Shirkadda Isgaadhsiinta Itoobiya Oo 2016-ka Berbera Keenaya Internet-ka Badda Hoostiisa Mara

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Warbixin dheer oo qaybta dhaqaalaha ee shabakadda CNN ee Maraykanku dhowaan sii deysay ayaa sheegaysa in la daahfuray nidaam Internet ka badda hoostiisa mara ah oo isku xidhaya dalka Cummaan oo uu ka imanayo iyo Somaliland, Puntland iyo dalka Itoobiya oo uu imanayo, waxa aanay warbixintu sheegaysaa in arrintani ay wax badan ka qaban doonto wanaajinta iyo horumarinta internet ka gobolka Geeska Afrika oo hadda aad tayadiisu u hoosayso.

Warbixintan uu Geeska Afrika soo koobay oo soo baxday salaasadii dorraad 9ka Feberweri ayaa lagu sheegay in shirkadaha Omantel oo ah shirkadda Isgaadhiista Qaranka ee dalkca Cummaan iyo shirkadda ugu weyn Bariga Dhexe ee iibinta adeegyada, qalabka iyo dhismaha hannaanka la isugu gudbiyo internet ku ay Salaasadii ku dhawaaqeen in ay heshiis la saxeexdeen shirkadda kale ee Xtra Communications Inc. oo ah shirkadda ugu weyn uguna awoodda badan dunida ee iibisa adeegyada iyo qalabka isgaadhsiineed, oo xarunteedu tahay dalka Maraykanka, si ay ugu dhigto xadhig badda-hoosteeda maraya oo sida internet awood badan oo ay ku xoojiyaan awooddooda hadda jirta ee dhinaca internet ka.

Dhigidda xadhigan iyo dhismaha khadkan internet ee cusub waxaa iska kaashanaya, shirkadda isgaadhsiinta ee dalka Itoobiya, Ethio Telecom, shirkadaha TELESOM oo Somaliland ah iyo Golis Telecom oo Puntland ka jirta. Khadka cusub waxaa si toos ah looga soo jiidaya dekedda Salalah ee dalka Cummaan waxaana la keenayaa Berbera, Somaliland iyo Bosaaso Puntland, kadibna waxaa laga sii jiidi doonaa khadka la geynayo magaalada Addis Ababa, Itoobiya oo isagu dhulka sii mari doona maadaama oo aanu dalkaasi bad lahayn.

“Waa tallaabadayadii ugu horreysay, ee socdaalka aanu isku ballaadhinayno Afrika, waxa aanu ka tegi dooonnaa Cummaan illaa Soomaaliya, kadibna waxa aanu xadhiga ku sii fidin doonnaa Itoobiya” sidaa waxaa yidhi, Sohail Qadiir oo ah madaxweyne ku xigeenka shirkadda jumladda Internet ka ee Omantel. Isaga oo intaas ku sii daray, in dalalkan oo uu sheegay in adeeggooda internet ku uu hooseeyo imika, si dhaqso ah loogu xidhi doono shabakaddooda caalamiga ah si ay u helaan dhammaan xaddiga internet ee Cummaan ugu kaydsan shirkadda Omantel una isticmaalaan adeegyada internet ee ka imanaya Yurub iyo Koonfurta-bari ee qaaradda Eeeshiya.

Warbixintu waxa ay sheegaysaa in khadkan badda hoosteeda maraya ee la geynayo Berbera, Somaliland iyo Boosaaso, Soomaaliya uu ku xidhmi doono dhammaan sagaalka xadhig ee badda hoosteeda u mara shirkadda Omantel, xadhkaas oo weliba shirkadda Cummaan ay dhaqso u gaadhsiin doonto 12, taas oo ka dhigaysa shirkadda ugu baaxadda weyn dunida oo dhan ee gobolka Bariga dhexe, ku xidha bariga fog, Yurub iyo woqooyiga Ameerika. Dhammaan adeegyada internet ee ay xadhkadeedu qaadaanna ay u gudbi doonaan Soomaalilaan, Soomaaliya iyo Itoobiya iyaga oo ku shaqaynaya habkan cusub ee G2A.

Guddoomiyaha shirkadda TELESOM, Somaliland Md. Cabdikariim Maxamed Iid, oo isna ka hadlay arrintan ayaa waxaa hadallada ay CNN ka soo xigatay ka mid ah, “Waa mashruuc xiise badan, waa

noociisa kii ugu horreeyey, oo aanu kaga faa’idaysanayno shabakadda caalamiga ah ee shirkadda Omantel, si aanu ugu fidno dunida oo aanu uga keenno isbeddel yaab leh, oo gobolka u suurtogelinaya in uu marin u helo internet tayadiisu aad u sarrayso, qiimihiisuna macquul yahay oo ay ku gaadhaan adeegyada internet ee saamaynta ku leh dhammaan dhinacyada noloshada iyo sida ay u fikirayaan” ayaa uu yidhi, Md. Cabdikariin Maxamed Iid, guddoomiyaha TELESOM.

Waxaa isaguna arrintan dhinaciisa CNN uga warramay Andualem Admassie, oo ah Maareeyaha guud ee shirkadda Isgaadhsiinta Itoobiya Ethio Telecom, waxa aanu inta uu jaalkiisa shirkadda TELESOM sheegay ku daray, “Isla markaana, waxa aanu marin u heli doonnaa xarumaha internet ka ee ugu weyn dunida, dalalka Omantel international Network ku xidhan oo dhanna iyaga oo u maraya farsamada G2A, ayaa ay heli doonaan macaamiisha bariga Afrika ee shirkadahan heshiiska galay ku xidhani”

Waxaa isaguna warbixintan ka hadlay Jon Hopper oo ah maamulaha iyo maareeyaha guud ee shirkadda Xtera, isaga oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay ka mid noqoshada iskaashigan habka G2A ee lagu dhisayo nidaamka xadhigga internet ka ee badda hoosteeda maraya, isaga oo sheegay in ay shaqo aad u heer-sarraysa qaban doonaan, dhisi doonaanna nidaam xadhi oo la isku hallayn karo.

Cabdilcasiis Gurey Kaarshe oo isna ah guddoomiyaha golaha saree e shirkadda Golis, Puntland ayaa dhinaciisa ka sheegay in nidaamkan G2A uu sida ugu weyn uga wanaagsanaan doono ka hadda ka jira Afrika, gaar ahaan dhinaca qiimaha, isla markaana uu dheeraan doono awoodda internet, “Internet-kayagu imika waxa uu inta badan ku xidhan yahay isgaadhsiinta dayax-gacmeedka; nidaamkan G2A arrintaas si weyn ayaa uu wax uga beddeli doonaa, waxa aanu suurtogelin doonaa adeegyo internet oo qiime macquul ah ku gaadha, guryaha iyo shirkadaha labadaba” ayaa uu yidhi Md. Kaarshe.

Ugu dambayntii warbixintan waxaa lagu sheegay in adeeggan casriga ah ee internet ka badda hoostiisa soo maraya ay shirkadahani macaamiishooda soo gaadhsiin doonaan rubuc-dhammaadka 2016ka. (Saddexda bilood ee u dambeeya sannadkan)

Somaliland oo dadkeedu si xawli ah ugu sii xidhmayaan dunida dibadda, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo ganacsiga, isla markaana tiro muwaadiniin aad u badan ahi ay dibadda dalka ku nool yihiin oo si joogto ah ugu xidhan yihiin gudaha

Xigasho geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories