HomeTalo Ku Socota Dawladda Iyo Shacabka

Talo Ku Socota Dawladda Iyo Shacabka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

blankMarka hore waxaan u mahadnaqayaa Ilaahay subxaana watacaalaa ,marka xiga waxaan mahadnaqayaa xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland sida wanaagsan ee ay ugu dedaalayso ugana howlgalayso marxaladda adag ee aynu maanta ku jirno iyadoo adduunku uu maanta la tacaalayo xanuunka halista ah ee COVID -19, sidoo kale waxaan fariin halkan uga dirayaa shacabwaynaha Somaliland inay u dhaga nuglaadaan xukuumadda lana shaqeeyaan oo ay ka digtoonaadaan isu imaan shaha aan la ogolayn iyo sidoo kale inay qaataan talooyinka gudiga qaran ee ka hortagga xanuunka. Sida aynu ognahay xanuunkani waa mid halis oo adduunkii ku wareeray sidii loo dawayn lahaa ama loogu heli lahaa talaal.

Waxaan jeclaan lahaa in shacabku ay iska dhaafaan khuraafaadka ay isugu sheekaynayaan.

Waxa kale oo jirta in dadka maanta xanuuunka laga helay ay ka badan yihiin dadka aan la ogayn ha ahaato baadhid la aan ama iyaga oo qarasanaya intay ka baxsanayaan quarantineka waxa ay dhibaatadu soo gaadhaysaa eheladii caruurtii jaarkii iyo dhammaan dadkii fayoobaa ,xanuunkana sida la inoo sheegay si fudud ayaa lagu kala qaadi karaa .

Sidaa awgeed waxaan idinkula talinayaa inaad feejignaataan oo aad taxadar dheeraad ah samaysaan.

Waxaan jeclaan lahaa inaan qodobo talobixina aan la wadaago xukuumaddeena

  1. In waxyaalaha mucaawinooyinka la inoo siiyo in degdeg ah dadka u baahan loo gaadhsiiyo Maadaama qalabkasi suuqa ku yaalo qiimo sare oo aanay iibsan karayn dadkii danyarta haa

2. Waxaa kale oon jeclaan lahaa in bacadlaha halkii laga kala eryi lahaa in meelo gaara oo la kantrooli karo dawladduna gacanta ku hayso laga sameeyo xaafad walba maadaama dadka ka shaqaystaa ay danyar u badan yihiin .

3. In dadka ku jira qurantineka xaaladooda hoos loo eego oo aan kuwa liita iyo kuwa ladan meel lagu wada xarayn

4. In macallimiinta private iyo dawli ba isku si loogu naxariisto ,waayo macalinku dakhli ahaan wuxuu ku tiirsanaa ardayda oo ay ku biishanayeen caruurtooda kirooyinka guryaha iyo sidoo kale noloshooda kaleba , sidaa dardaadeed mar haddii xanuunku uu aad u saameeyey noloshoodii waxa xukuumadda la gudboon in ay isku xilqaanto daryeelkooda iyadoo aan kala saarayn. Macallimiintu waxay ku jiraan kaalintii waalidnimo.

5. Arrinka qaadka waxaan jeclaan lahaa in haddii la joojinayo laga yeesho siyaasad cad ,tusaale barigii dhawayd ee la joojiyey waxa ka dhashay dhibaatooyin badan sida in wadooyin cusub uu samaysto ,gawaadhi cusub oon lagu aqoon lagu qaaday in meelo aan lagu iibin jirin lagu iibiyey.

Sidaa daradeed waxaan ku talin lahaa in jaadkii sidaa si ka duwan loo kaantaroolo iyadoo loo samaynayo meelo gaara oo lagu iibyo iyo waqtiyo gaara oo la soo galiyo magaalooyinka Iyadoo la mamnuucayo in meelaha dadwaynaha (publics) lagu cuno lana ogolaado in guryaha iyo goobo xadidan lagu cuni karo.

6. Waxaan jeclaan lahaa in dawladdu ay hoos u eegto dadka maskaxda ka xanuunsanaya ,dadka waayeelka ah iyo darbi jiifka ah ee aan haysan daryeel hoy, mid caafimaad iyo mid cuntaba

Marka koowaad : Dadka maskaxda ka xanuunsanay

Waa in laga soo qaado meelaha ay ku dayacyahiin sida gidaarada, jidadka suuqayada iwm, iyadoo lagaynayo goobaha munaasabka ah oo ka helayaan dawayn, raashi iyo jiifba.

Marka labaad: Waayeelka jilicsan ee aan cidna haysan

Waxaan jeclaan lahaa in dawladdu xilwayn iska saarto sidii ay ugu samayn lahayd meelo lagu xanaaneeyo dadka waayeelka ah ee aan cidna haysan, waxaan in hay adaha faraha badan ee dalkeena jooga hadii lala kaashado in mucaamimo badan laga helayo waliba waayeelka oo kaliya maahee dhamman dadka xanuuunsanay iyo darbi jiifka intaba.

Marka saddexaad: carruurta darbi-jiifka ah

aragtidayda ku saabsan caruurta jiifka ah hadii la daryeelo waxa ka dhalanay in ay noqon karaan jaamiciyiin (sida doctors,engineers lawyers iyo iwm) ,farsamo yaqaano(sida mechanics, plumbers ,nijaro iwm) iyo ciidamada kala duwan (sida military,police navy,firefighters,ambulance team iwm).

Sidaa awgeed caruurtaa waa in lagu daryeelo meelo ku haboon sida meelo ay ka helikaraan jiif, cunto, daawo iyo waxbarasho

Fiiro gaar ah

Maqaalkan oo aan ugu talo galay mahadnaq,talo iyo tusaalayn igama aha canaan, wiirsi iyo fadeexad midna ee waxan uga dan leeyahay inaan ku bararujiyo cidkasta oo ay khusayso ama wax ka qaban karta qodobada aan soo sheegay.

Aad baad u mahadsatihiin

MAXAMED CABDI HAYBE MAXAMED

HARGEISA, SOMALILNAD

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories