HomeQalinka AqoonyahankaTabashadii reer gabiley ee raadka togan reebtay.

Tabashadii reer gabiley ee raadka togan reebtay.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maqaal xiiso badan oo murti xambaarsan

  • Qurba joogiyo qodaal jooguba
  • Laba weeyi qiraala
  • Inay qayb ka yihiin
  • Qarankan maanta aan joogno
  • Qormo ay ku kulmeena
  • Salaan qiima lahoo
  • Qalbi saafiyi dhiibay
  • Qosolna ay ku dareen
  • Qaxwihiina la raacshay
  • Waxay soo qadimeen
  • Kaftan qaayo lahoo
  • Taladii qarankeeniyo
  • Quruskooda ku saabsan

   Qurba joog. Maxaynu kala raagnay oo maxaan kaftankaagii iyo xog warankaagii u darsaday maxaad war haysaa maanta.

  Qodaal joog. Martiyi  iyadoo kaa war roonbay ku waraysataaye xageen kaaga waramaa ?

Qurbo joog. Warka maanta aad  ii xiiso galin lahaa ee aan jecelahay in aad

                  Iiga waranto waa safarkii madax,waynuha soomaaliland ku tagay         gobalada awdal iyo gabiley.

Qodaal joog .safarkii madaxwaynuhu waxa uu ku soo beegmay maalintii Ku                                                         begnayd sanad guuradii koowaad ee mudada uu xilka hayay in kasta oo uu gobolka gabiley ahaa gobalkiii markii uu murashaxa iyo gudoomiyaha  xisbiga kulmiye ahaa ugu soo dhawaynta badnaa mar kale waxa uu noqday deegaankii ug horeeyay ee qaar  ka tirsan dadwaynahoogu si toosa ugu muujiyaan diidmo qayaxan.

Qurba joog .waar maxaad leedahay waarbal si mugleh iigu faahfaahi tabashdan reer gabiley ee raadka togan raadka togan reebtay

Qodaal joog.    Gabaygani wuxuu si mug leh u iftiiminayaa wararkii guud     ahaan  ku xeernaa safarkii madax,waynaha Somaliland ku tagay gobalada awdal iyo gabiley waxaanu si gaara u iftiiminayaa dhacdadii gabiley oo ay ka dhex muuqdeen arimo badan sida gabaygani tilmaamayo.Gabaygan waxa magaciisa la yidhaa safarkii madax,waynuhu gabiley ku tagay .Mar kale wuxuu gabaygani tilmaamayaa af duubkii xildhibaanada golaha wakiilada iyo siyaasiyiinta gobolka ka soo jeedaa kula keceen dadwaynaha reer galiley gaar ahaan dhlinyarada waxaanan.filayaa in aadwax ka fahmi doonto dhamaan tabashada reer gabilay

  • Gabaygaan tiriyay iyo murtidaan manta tabinaayo
  • Tixdaan marinaayo iyo tuducyadaan meershay
  • Togag baan rogaa maansada markaan taabto midhaheeda
  • Safarkii madax,waynuhu gabiley ku tagay ee kabaha loo taagay
  • Ee madax,waynuhu  tahniyad uu filanayiyo  soo  dhawayn  taama ah oo buuxda
  • Iyo ragii gabiley taakada u dhigee taatikada la  ciyaaray
  • tubtay qaadeen ragii gobalka lagu ogaa iyo tuhunkii beenoobay
  • Alaylehe rag bay rabshaduba tarmiiskooda tehee taana ma ogaanay
  • Aniguna tiyaatarkii warkaan ahee hadaan taararka ku qaybshay
  • Warkaan tabinaayo iyo sheekadan gabaygu tuugaystay
  • Ragii taytalka sare hayee hadana bulshada taytanada u qaybshay
  • Ee dadwayna tashwiishka ku furee ee dalabaday tiimam xoojina e Tabashadii ree gabiley ee raadka togan reebtay
  • Inkastooy turxaan badan lahayd oon talaxtagaa diiday
  • Alaylehe turaanturooyinkii loo dhigay ka badan toban umuuroode
  • Aniguna maalintaa tacliintaantaan bartay iyo tobabarkaan qaatay
  • Afrtii madaxwaynaha tamcada u dhigay ayuu mid kamid ahi sii taraaraxaye
  • Ma tirtiray codsi tartiib loo qoroo taabtay boogaha ee
  • Dhalintoo wada tig,tigan oo cadhadu tankii loogu talo galay dhaaftay
  • Oo rag aan ogahay taayirkana marsheen oo wada tabaalaysan
  • Oo taraaraha wajigoodii ku yaal taaga ka arkaysid
  • Alaylehe  rag aan ogahay tafaraaruqay jecelyihiine taana ma ogaaday
  • Isaguna wadaadkaan tiriig noo ifiyo tiirka u aqaanay
  • Mar haduu la tashaday rag aan ogahay oo uu turubka la ciyaaray
  • Alaylehe talaalkii xumaantaa ku dhacay oo wuu is tafaafulaye
  • Aniguna tacsidii hankiisii madaxtinimaan dhigee taana ha ogaado
  • Tiro koobkii codadkii kulmiye iyo tiradii guusha lagu gaadhay
  • Ee ay dhalintuna ahayd tareenkii wadee guusha lagu taabtay
  • Diwaanka taariikhday ku qorantee taana ha ogaado
  • Mar haduu tahdiid igula kacay iyo tacadi aanan filanayn
  • Maah,maah baa tilmaantee hadaan toogta ku jiheeyay
  • Dhaliilaha u tuulan hadaan tooshka ku iftiinshay
  • In kastoon tudhaal ugu daroon dhaliish teel teelay
  • Talantaali baan ula dhecee haduu taaha badin waayo
  • Dad waynahaan manta tusayaa tamar yaraantiisa
  • Talo quruxsan iyo mayaqaan toosin waano ehe
  • In kastoo uu taraaraxay oo uu hadalka taag taagay
  • Oo sidii sarkaalkii tuke igu amar ku taagleeyay
  • Oo askari daalanoo   tareerin ku jiray sii tukhaantukheey
  • Ama taliskiii daraawiisha oo sayidkii taleex kula cawaynaaya
  • Alaylehee tusaaluu u yahay kalidii talisyadii hore ee joogay
  • Tarabuunka markuu igu arkuu tiifta igu reebay
  • Istixgalintuu ku roonyahay tolkuba taag uu leeyahaye
  • Isaguna tolka wuxuu ku gaadhaa halkuu tiigso leeyahaye
  • Ma takooray dadkii taageeray ee taaga sare saaray
  • Tolaayeeyda waaguu lahaa ee uu codadka tuugaayay
  • Anagoo ogsoon inuu tiin qodaxle yahoon gacmaha taabsiinay
  • Alaylehe  tolkuunbaa badhi taroo talax gabkii eegay
  • Tacabkii dhalinyaraduu aasay ee uu toolka ku adkeeyay
  • Alaylehe taran ka nax buu lahaa kii tooda kala tuuray
  • Taageerayaal badan buu rabay inay talaabaane
  • Alaylehe taasina way u  martee taana ha ogaado
  • Olalihii lagu tartamee ee guusha lagu taabtay
  • Alaylehe tuushka wuu cararayee taana ha ogaado
  • Tirtirsiga maalintii nin raga la tabay uu muuqday
  • Is tamceeye waa lagu yiqiin talo xumaantiisa
  • In kastoo uu siyaasada tahriib ku yimid tigidhna soo goosan
  • Mar hadaan tignikadaydii soo kacshoon taangiyada istaadhay
  • Alaylehe tarxiilbuu siyaasada ka yahay halkuu tagayo  yeelkiiye
  • Intaasaanan taxliil uga dhigay markaan iskaga taag waayay

 Waa qalinkii abwaan sacad xaaji maxamuud gadhle tell 4669910

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories