HomeSucuudiga oo boqolaal dadka jidadka ka dawarsada ah xidh xidhay

Sucuudiga oo boqolaal dadka jidadka ka dawarsada ah xidh xidhay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Boqortooyada Sucuudiga aya boqolaal dadka jidadka ka dawarsada ah xabsiga u taxaabay, ka dib markii dadkaasi sida la sheegay, ujeedada ay dariiqyada uga tuugsanayaan isugu soo ururtay dhaqaale doon balse aanay ahayn mid baahi u gaysay. Dadka la ururiyay ayaa u badan dumar iyo dadka laxaadkoodu dhiman yihiin kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah la ogaaday inay hanti badan haystaan oo noloshooda kafayn karta. Dawladda Sucuudiga ayaa marar hore oo tira badan jidadka dalkaas ka ururisay boqolaal qof oo dadka dawarsada ah, kuwaas oo laga codsaday in meelo lagu quudiyo la dejiyo hasa yeeshee ka soo baxsaday qaar ka mid ahiina ay markii hore ku doodeen inay joojinayaan. Basle markii la sii daayay wakhti yar ka dib lablankgu arkay iyagoo dib jidadka waaweyn ee magaalooyinka uga bilaabay tuugsigii. Dadka ka dawarsada jidadka magaalooyinka waaweyn ee dunidda ayaa qaar badan oo ka mid ah la ogaaday inay lacag iyo dhaqaale ka raadini u gaysay oo ay ku xoogsadaan, mararka qaarkoodna ay ka dhaqaale iyo hanti badan yihiin kuwa ay ka dawarsanayaan ee ay baryayaan. Arintan ayaa ah mid sidoo kale dalkeena ku soo badanaysa waxaanad arkaysaa dad badan oo jidadka iyo meelaha basaska laga raaco ka dawarsada, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ahii yihiin dad laxaadkoodu dhiman yahay oo curyaamin ah kana yimi dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia waxa ugu badan ee dadkani urursadaan waa lacagta. Haddii aad isku daydo inaad mid ka mid ah waydiiso inuu halkan isaga tagayo haddii wax uu cuno la siiyo waxa uu ku siinayaa jawaab aanad ku qanci karin, isla markaana wajigiisa ayaad ka dheehan kartaa sida uu uga xumaaday soo jeedintaada. Dhinaca kale dadka lacagaha badala ee meelaha u dhow fadhiista goobaha dadkani ka dawarsadaan waxay kuu sheegayaan inay maalin walba lacag badan oo ay soo dawarsadeen dadkaasi ugu bedelaan lacagta birta ee laga isticmaalo dalka Itoobiya, ayna muuqato in dakhliga soo galaa ka badan yahay baahida ay muujisanayaa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories