“Soomaaliya Waa Waddan Fashilmay” – Madaxweynaha Maraykanka

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale weerar Afka ku qaaday Soomaaliya oo uu ku tilmaamay waddan fashilmay.

Madaxweyne Trump oo maanta khudbad dheer ka jeediyey shir-sannadeedka Dhaqaalaha Dunida (World Economic Forum), waxa uu khudbaddiisa ku soo qaatay waddamo ay kku jirto Soomaaliya oo ku sifeeyey waddan aan gebi ahaanba jirin oo ku filmay hirgelinta nidaamka dowladnimada.

Waxa uu khudbadiisa ku soo qaatay musuq-maasuq baahsan oo ka dhacay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka oo dad Soomaali ah inay qayb ka yihiin loo haysto, waxaanu si gaar ah u weeraray Xildhibaan Ilhan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congresska.

Donal Trump ayaa toddobaadkan shir jaraa’id ku sheegay in Somalia tahay waddan fashilmay oo ku guul-darraystay hirgelinta adeegyada muhiimka u ah dowladnimada.

Madaxweynaha Somaliland Md Cabdiraxmaan Cirro oo xilligan ku sugan dalka Switzerland, ayaa la rumaysan yahay inuu ka mid ah in ka badan 60 hoggaamiye oo shirka lagu marti-qaaday.

Madaxweyne Cirro ayaa la filayaa inuu halkaas kula kulmo madaxweyne Trump iyo Ra’iisal-wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo shirka ka qayb-galay.

somalilandpost.news/

- Advertisement -

Latest News

Somaliland warns of heavy Rainfall and flood risks

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland government has warned residents across the country to prepare for heavy rainfall, urging government institutions,...
- Advertisement -

More Articles Like This