HomeSoomaaliya Oo Farriintii Ugu Horeysay U Dirtay Kenya, Ka Dib Weerarkii Gaarisa

Soomaaliya Oo Farriintii Ugu Horeysay U Dirtay Kenya, Ka Dib Weerarkii Gaarisa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Muqdisho, (SLP)- Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay culeyska ay xukuumadda Kenya ku hayso Soomaalida dalkeeda ku nool, ka dib markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa ee lagu dilay 148-ka qof, ayay dalkaas ka codsatay inay dib u furto shirkadaha xawaaladaha Soomaalida ee ay xayiraadaha kusoo rogtay dhawaan.

“Xukuumadda Soomaaliya waxay uga mahad-celinaysaa dawladda Kenya oo tan iyo sannadkii 1991-kii magan-gelyo siinaysay qaxoontiga Soomaliyeed ee ku qulqulayay dalkeeda, kuwaasoo ka cararay colaadihii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay iyo weerarrada argagaxisada. Waxaana mahad middaas la mid ah aanu u jeedinaynaa dalalkii muddadaas dheer daryeelka u fidiyay qaxoontigaas,” ayaa lagu yidhi qoraalka dawladda Soomaaliya.

Sidoo kale, qoraalkaas waxa lagu sheegay in dawladda Kenya iyo Beesha Caalamka ay mas’uuliyadi ka saaran tahay ilaalinta iyo daryeelka qaxoontiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab ku nool, maadaama aanay waxba iska bedelin xaaladda guud ee ammaanka dalka.

“Inkastoo la-dagaalanka argagixisadu uu wax weyn ka bedelay dareenkii is-jacaylka dhanka bani’aadaminimada ee caalamka, haddana waxaa lama huraan ah in dawladdaha iyo bulshada adduunka ay yeeshaan samir, dulqaad iyo awood ay ku kala saaraan dembiilaha iyo dulmanaha,” ayay xukuumadda Soomaaliya qoraalkeeda ku tidhi.

Waxa kale oo qoraalka lagu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay helayso warbixinno naxdin leh oo la xidhiidha xaaladda amniga, nolosha iyo daryeelka caafimaad ee qaxoontiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya.

“Sida la wada og-yahay, hay’adda UNHCR waxay sannadihii dambe dhintay cuntadii iyo daryeelkii ay siin jirtay qaxoontiga xeryaha Dhadhaab ku nool, sidoo kalena la-dagaalanka Al-shabaab iyo argagixisadu wuxuu xeryaha ka xidhay dhamaan adeegyadii aadaminimo, ka dib markii la joojiyay deeqdii ay qaxoontigu mar-mar ka heli jireen hay’adaha samofalka iyo shaqsiyaad ka socda dunida Islaamka iyo weliba shilimaadkii ay dhinaca xawaaladaha eheladoodu u soo marin jireen,” ayaa qoraalka dawladda lagu xusay.

Ugu dambayn, xukuumadda Soomaaliya waxay sheegtay in iyadoo ka xun dhamaan ficiladda argagixisada ee ka dhanka ah nabadda iyo xasilloonida Kenya, Bariga Afrika iyo caalamka; ay ugu baaqayaan dawladda Kenya qodobbadan:

1-Inay xakamayso cadhada xukuumadda iyo ta shacabka Kenya ay ka qaadeen weerarkii Gaarisa oo ay ogaato inay Al-shabaab yihiin cadawga nolosha iyo nabadda dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

2-In la xoojiyo awoodda iyo wada-shaqeynta sirdoonka labada dal ee deriska iyo walaalaha ah, isla markaana laga dhex-abuuro shacabka labada waddan mutadawiciin la shaqeeya booliiska, si loo qab-qabto dembiileyaasha, si gacmaha hay’addaha amniga looga ilaaliyo inay ciqaabaan dad aan waxba galabsan.

3- Inay dib u furto shirkadaha Xawaaladaha ee la xayiray oo soo geliya waddanka Kenya dhaqaale fara badan, isla markaana ay ku tiirsan tahay nolosha qoysas badan oo isugu jira Kenyan iyo qaxoontiga Soomaaliyeed.

4- In arrinta dib u celinta qaxoontiga Soomaaliya loo maro qorshihii saddex-geesoodka ahaa ee ay isla qaateen labada dawladdood iyo hay’adda qaxoontiga u qaabilsan qaramada midoobay ee UNHCR.

Gaba-gabadii qoraalka ayay xukuumadda Soomaaliya waxay ku sheegtay inay dardar-gelinayso dabar-goynta Al-shabaab iyo dib u xoreynta deegaannada yar ee ku hadhsan gacantooda, waxayna ugu baaqaysaa dawladdaha gobolka inay ku garab is-taagaan dagaal lagu soo af-jarayo jiritaanka Al-shabaab.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories