HomeSomaliland oo shaacisay Qorshe ay Ganacsato Shiine ahi Maalgashi uga fuliyaan Dalkeeda

Somaliland oo shaacisay Qorshe ay Ganacsato Shiine ahi Maalgashi uga fuliyaan Dalkeeda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-  Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday in dalkeeda ay dhawr goor oo kala dambaysay Safarro kala duwan ku yimaaddeen Masuuliyiin ka socday dawladda Shiinaha oo sheegtay inay yihiin Ganacsato, kuwaasoo qiimaynayey sidii ay Somaliland u maal-gashan lahaayeen.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadba Badaha Somaliland Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), ayaa daboolka ka qaaday qorshe dahsoon oo dalka Shiinuhu damacsanyahay inuu ku maalgashado waddanka Somaliland. Isla markaana, waxa uu sheegay Wasiirka Kalluumaysigu in Weftiyo ka socda dawladda Shiinaha, hase ahaatee, sheegtay inay yihiin Ganacsato qiimayn iyo sahamin u yimaaddeen dalka Somaliland.

Wasiir Geeljire oo xog-warran siiyay Haween ku bahoobey Ururka SLWA (Somaliland Women Association) oo  Saldhiggiisu yahay London oo kulan casho-sharaf ah habeen-hore ku yeeshay Hudheelka Ambasaddor ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in dalka Shiinuhu danaynayo mashaariic horumarimarineed oo uu ka hirgelinayo Somailand, islamarkaana Wufuud dawladda China ka tirsani socdaallo kala duwan ku yimaaddeen Somaliland, iyagoo iska dhigaya shirkado gaar loo leeyahay, si ay isaga ilaaliyaan dalalka reer Galbeedka oo tartan xoog lehi ka dhexeeyo.

Wasiirku waxa uu xusay in socdaallada Wufuuddaasi sababeen Safarka Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayaa ku tegeen dalka China.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland, oo arrintaas ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Waxa jirta dalka China Wefti kala duwan oo ka socdaa inay dalka (Somaliland) yimaaddeen, sida kuwii Burco iyo Berbera booqday si ay u qiimeeyaan fursadda Ganacsi ee uga bannaan Somaliland. Wufuuddaasi may ahayn Shirkado gaar ah, laakiin waxay ka socdeen dawladda Shiinaha, iyagoo iska soo dhigay Shirkado, iskana ilaalinaya dalalka Reer Galbeedka oo tartan xoog weyni ka dhexeeyo.”

Wasiir Geeljire waxa uu sheegay in dalal badan oo caalamka ka tirsani u soo jeesteen nabadgelyada iyo xasilloonida ka jirta Somaliland xilli dabaylo rabshado wataa hadheeyeen dalaka Carbeed iyo xasillooni-darrada Mandaqadda Geeska Africa, isagoo si gaara u xusay dawladda Ingiriiska oo uu tilmaamay inay muddooyinkan danbe u soo jeesatay Somalaland sidii ay dhinacyo badan ugala shaqayn lahayd, isla markaana laban-laabtay Caawimooyinkii ay siin jirtay Somaliland sannadkan 2011-ka.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee Masuul Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka tirsani sidan oo kale faahfaahin dheeraad ah uga bixiyo arrinta Wufuudda Shiinaha oo ay Masuuliyiinta dawladda ee uu Wasiir Geel-jire laftiisu ka mid yahay hore ugu sheegi jireen Ganacsato damacsan inay qiimeeyaan meelo ay maal-gelin ku sameeyaan oo Somaliland ka mid ah. Hase ahaatee, hadda ka hor Masuulna ma caddeyn in Wufuuddaas kala dambaysay ee ka yimi Shiinaha ka socdeen dawladda Shiinaha.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories