HomeSomali NewsSomalilandSomaliland oo Caddeysay mowqifkeeda Xidhiidh Dublomaasiyeed oo dhexmara Dalka Israel

Somaliland oo Caddeysay mowqifkeeda Xidhiidh Dublomaasiyeed oo dhexmara Dalka Israel

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday inaanay jirin sabab Jamhuuriyadda Somaliland ka horjoogsanaysa inay xidhiidh diloomaasi la samayso Waddan kasta oo dunida ka mid ah oo uu ka mid yahay dalka ugu awoodda badan quwadaha Milatari ee dalalka Bariga Dhexe.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland u qaabilsan Wada-hadallada Soomaaliya, Dr Edna Aadan Ismaaciil, ayaa waraysi ay siisay telefishan laga leeyahay dalka Israel oo lagu magacaabo I24News, ayaa sheegtay in Somaliland diyaar u tahay inay xidhiidh dibloomaasi la yeelato waddan kasta oo caalamka ka mid ah oo uu ku jiro dalka Israel oo ay xustay inuu ka mid yahay waddamadii ugu horreeyey ee Somaliland ugu hambalyeeyay markii ay madax-bannaanida ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska 26 June 1960-kii.

Dr Edna Aadan Ismaaciil waxa ay sheegtay in aqoonsiga Somaliland aanu faa’ido ulahayn oo kaliya Shacabka JSL balse uu muhiimad gaar ah ugu fadhiyo xasiloonimada gobolka Geeska Afrika iyo marin-biyoodka ganacsi ee Gacanka Cadmeed.

Dr Edna Aadan Ismaaciil waxa ay xustay in shacabka Somaliland oo aan taageero dhaqaale ka helin bulshada caalamka ay iskood u hirgeliyeen nidaamka dowladnimo oo shaqaynaya iyo xasilooni buuxda oo ay ku naaloonaysay muddo 30 sanno.

Dr Edna Aadan oo ugu horeyn la weydiiyey muhiimadda uu leeyahay Aqoonsi caalami ah oo ay Somaliland hesho, ayaa waxa ay ku jawaabtay, “in Somaliland loo aqoonsado dal madaxbanaan oo xubin buuxda ku leh Qaramada Midoobay, waxay sababi doontaa in la gaadho iskaashiga nabadda iyo xasiloonida ee Geeska Africa. Xaqiiqadu waa in Somaliland 30-kii sanno ee u dambeeyey haysatay nabad buuxd iyo horumar.  Muwaadiniinta Somaliland waxay ka soo noqanayeen dalalka shisheeyaha ee ay u qaxeen iyo xeryaha qoxoontiga ee dunida daafaheeda soddonkii sano ee u danbeeyay. Somaliland dunidii kale kama ay helin taageero aan ka badnayn gargaarka bani’aadamnimada iyada oo xaqiiqadu tahay in Somaliland ay taageero la’aan xaqiijisay nabad iyo xasilooni. Taas oo dunidu ay ixtiraamto nabadda, xasiloonida iyo suuqa xorta ah si loola dagaalamo saboolnimada, shaqala’aanta iyo wax kasta oo nabadda iyo xasiloonida dunida halis ku ah,” Sidaas ayay tidhi Dr Edna Aadan Ismaaciil oo khadka maqalka iyo Muuqaalka ee Zoom xog-waraysi dhinacyo kala duwan ku dhexmaray telefishanka I24News oo ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer dalka Israel.

Dr Edna Aadan oo la weydiiyey haddii ay filayso inay Somaliland xidhiidh la samayn karto Israael, taas beddelkeedana ay Israel aqoonsato Somaliland, waxa ay ku jawaabtay oo ay tidhi, “Dabcan Israel waxay ka mid ahayd dhawr iyo soddonkii dal ee Somaliland aqoonsaday xiligii ay Somaliland gobanimada qaadatay 26 June, 1960. Israel xiligaa way u soo hanbalyaysay Somaliland, waxaana ka mid ahaa dhawr iyo soddonkaa waddan shanta u sarreeya golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.”

Dr Edna oo la weydiiyey su’aalo u dhignayd: “Ma filaysaa in xidhiidh dublamaasiyadeed ay samayn karaan Somaliland iyo Israel?”, waxa ay ku jawaabtay, “Ma jirto sabab ay Somaliland ula samayn waydo xidhiidh dublamaasiyadeed ama mid ganacsi waddan kasta oo adduunka ka mid ah,” ayay tidhi Dr Edna Aadan Ismaaciil.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa sannadkii 1995 warqad uu u qoray raysal-wasaarihii Israel ee xilligaas Yitshak Rabin kaga dalbaday xidhiidh iskaashi iyo mid dibloomasiyeed oo dhexmara labada waddan ee Somaliland iyo Israel.


Waddanka Israel oo aan xidhiidh toos ah la lahayn dunida Muslimka intooda badan, waxa dhowrkii sanno ee u dambeeyey xidhiidho dubloomasiyeed u furmeed waddamo ay ka mid yihiin Sucuudiga iyo Dalka Imaaraadka Carabta oo ah saaxiibka koowaad ee Somaliland ku leedahay dalalka Jasiiradda Carabta.

Somalilandpost.news

contact@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories