HomeShirkadda Dahabshiil oo Deeqo Gargaar ah ka Sintay Tobanaan kun oo qof...

Shirkadda Dahabshiil oo Deeqo Gargaar ah ka Sintay Tobanaan kun oo qof oo ka mida dadka Abaaruha Ku Tabaaleeeyeen gobollada Banaadir, Bay, Bakool, Gedo iyo Jubbada Hoose

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Soomaaliya- (SLpost)- Shirkadda Dahabshiil ayaa toddobaadyadan u dambeeyey ee Bisha Ramadaan ee barakaysan dhexdeeda wadday hawlo samata-bixin ah oo lagu gaadhsiinayey deeqo quudin ah oo kala geddisan qoysas ku tabaaloobey abaaraha daba-dheeraaday ee gobollo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya ku habsaday, kuna kala sugnaa gobollada Jubbada Hoose, Gedo, Bay, Bakool iyo Banaadir, iyada oogacanta lagu hayo qoondooyinkii Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.

Madaxda shirkadda ee gobollada deeqaha laga qaybiyey, oo kaashanaya maamullada ka jira goobahaasi iyo guddiyada kala geddisan eetaakulada dadka abaaruhu barakiciyeen, ayaa dadweynaha jilicsan ee isugu sooururay kaamamka ku-meel-gaadhka ah gaarsiiyey deeq-horaad isugu jirta bur,sonkor, saliid, bariis, timir iyo caano oo goobaha kala geddisan qaybo kalageddisan u kala gaarey.

Banaadir & Labada Shabeelle

blankShirkaddu waxay ka bilawday degmooyin ka mid ah GobolkaBanaadir oo ay ka mid yihiin Xamarjajab iyo Waaberi iyada oo halkii qoysba ayheleen 25kg oo bariis ah, saddex kilo oo saliid ah iyo saddex kilo oo timir ah.Deeqdaasi waxa ay gaartey ilaa 600 oo qoys.

Waxa iyadana ku jirta mucaawinooyinka loogu talo galay dadkasoo barakacay deeqo isugu jira maro-kaneecooyin iyo quudin lagu kala qaybinayolabada Shabeelle, siiba deegaannada ay qoondeeyaan guddiyada kala duwan eetaakulaynta abaaraha ee gobolladaasi.

Cabdullaahi Nuurre Aw Diini, Maamulaha Dahabshiil Banaadir,ayaa hoosta ka xarriiqay inaan shirkaddu marnaba dadkeeda kala hadhi dooningacan-siintooda ayna kaga dhabayso mar walba baaqeeda, sidaana ay tahay inwixii khayr ah ama khayri ah la iskaga daydo oo la iska wada kaashado. Waxa uuCabdullaahi sheegay in mar kale shirkaddu ugu baaqayaso in ganacsatadaSoomaalida ahi iyagu horseedaan samata-bixinta maatadooda jilicsan, isaga ooballan qaaday in shirkaddu aanay marnaba ka baaqsan doonin kaalinta hormuudnimoee ay kaga jirto hawlaha samafalka.

Bay iyoBakool

blankGobollada Bay iyo Bakool waxa deeqda taakulada ahi gaartey August 8 iyo 9 dad ka badan 1700 oo qoys oomidkiiba qayb u helay heleen 25 kilo oo Bur ah, 25kg Bariis ah, shan kiilo sonkor ah iyo saddexle saliid ah. Dadka nasiibka u helay deeqdan waxa ay kukala sugnaayeen Baydhabo gudaheeda oo ilaa 100 qoys ah iyo 1600 oo qoys oo kalayimi deegannada Dhexyaal, Goofguduud, Sariirto, Afwayne, Abuuroow, Weedier,Waryarooy, War Cumar, Baaba, Suuldheere, Bakale, Habriirow, Bohosha, Gaduudeey,Iyo Zone- Hareeri jiifa, kuna urursanaakaam afartaneeyo kilomitir galbeedka ka xiga magaalada Baydhabo.

Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga abaaraha ee Gobolladaasi SheikhCabdulqaadir Abayna ayaa si mug leh uga mahadceliyey gargaarka degdegg ah eeshirkaddu u fidisay dadka barakacayaasha ah, isaga oo ku boorriyey dhammaanganacsatada iyo bulshaweynta Soomaalida inay taageero tan oo kale ah la soogaadhaan walaalahooda tabaalaysan.

Gedo & Jubbada Hoose

blank
Baardheere iyo nawaaxigeeda, siiba deegaannada Kormarey, Balaw iyoHilo Carmo, waxa deeqda shirkadu gaartey 3 August; waxana qoysas tiradoodu dhantahay ilaa 540 qoys halkii qoysba uuhelay 25 kilo oo bur ah iyo saddexle saliid ah.

Sidoo kale, isla maalintaa, waxa deeqo kala geddisan lagaadhsiiyey qoysas ay aad u saamaysay oo barakicisay abaartu oo ku kala noolaaKismaayo iyo Jilib oo halkii qoysba la gaarsiiyey 12.5 kg bur ah, 12.5 kgsonkor ah, 25 kg bariis ah, 3.5 kg saliid ah, 5 kg timir ah iyo xidhmooyin caanokoosta ah si loogu qabto dadka waayeelka ah iyo carruurta aad u yaryar.

Gebogebo

Dhammaanba goobaha mucaawimooyinka laga qaybinayey waxaindhaha iyo dareenka islaannimo ee saraakiishii hawshaa waddey soo jiidanayeydiifta iyo diihaalka raagey ee dadka guud ahaanba ka muuqatey ee gonda-dhigtay.

blank
Qaybinta mucaawinooyinkan shirkaddu qaybisay waxa ay kadambeeysey baaqii uu Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil ku dhawaaqay 21 July,Hargeysa, oo uu ku boorriyey ganacsatada, dadweynaha, shaqaalaha iyo wakiilladakala duwan ee shirkadda, hay’adaha waddaniga ah ee samofalka iyo guud ahaanbadadka Islaamka ah inay taakulo la soo gaaraan dadka abaaruhu ka fara saareenhantidoodii eek u caydhoobey, taas oo ka dhigaysa shirkadda tii ugu gacantawanaagsanayd shirkadaha Soomaalidu leedahay iyada oo ilaa hadda u hurtaydadweynaha tabaalaysan hanti u dhiganta 116 kun oo Dollarka Maraykanka ah aynakala bixiyeen shirkadda iyo qaybo ka mid ah shaqaalaheedu.

Waxa isaguna olole ballaadhan ka galay dalka United KingdomMaamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil, mudane Cabdirashid Maxamed Siciid, ooabaabulay kulammo iyo war-saxaafadeedyo adduunka iyo Soomaalidaba laguxasuusinayo daranyada baahday ee tobanaan kun oo Soomaali ah ku badeen abaaruhugobollada Koonurta Soomaaliya qaar ka mid ah. Mareego boqollaal galay,idaacado, talafishanno iyo wargeysyo Somali iyo caalamiba isugu jira ayaa simug leh u baahiyey, oo isaga daba noqday, baaqyada Guddoomiyaha iyo MaamulahaGuud ee Shirkaddu cod dheer ugu dhawaaqayeen adduunweynaha iyo bulshadaSoomaalida ah inaan laga hagran dadka tabaaloobey – meel kastaba ha jogeene -wax kasta oo loo huri karo oo khayri ah.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories