HomeSomali NewsShir Lagu Falanqeynayay Caqabadaha Hortaagan Inay Xukuumadda Somaliland Meel-mariso Guddida ilaalinta Xuquuqaha...

Shir Lagu Falanqeynayay Caqabadaha Hortaagan Inay Xukuumadda Somaliland Meel-mariso Guddida ilaalinta Xuquuqaha Dadka Naafada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Sugitaanka xuquuqda dadka naafada ahi, waxay ku xidhan tahay aasaasida guddida ilaalinta xuquuqaha dadka naafada ah”.

Hargeysa (SLpost)- Shir lagu lafa-gurayey caqabadaha hortaagan inay xukuumadd Somaliland meel mariso guddida ilaalinta Xuquuqaha dadka Naafada ‘National Disability Commission’ ayaa maanta lagu qabtay Xafiiska hay’ada waddaniga ee magaceeda loo soo gaabiyo AWVO Al-kownin Women voluntary Organization ee Magaalada Hargeysa.

Kulankaas oo ay ka soo qeybgaleen aqoonyahano isugu jiray dad naafo ah, sharci-yaqaano, iyo ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland, ayaa lagaga dooday xuquuqda dadka naafada ah iyo weliba muhiimada ay u leedahay meel marinta guddida ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah iyo caqabadaha haysta dadka naafada ah.

Dood iyo falanqeyn dheer kadib waxay ka qeybgalayaashii kulanku soo jeediyeen in Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada iyo Qoysku – MESAF lagala hadlo inay dib u soo celiso mashruucii sharci ee lagu aasaasayey guddida ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah ee Somaliland, kaas oo la sheegay inay dhawaan laashay Wasaaradu, iyada oo kaashanaysa Dallada ururada dadka Naafada Somaliland ee SNDF.

Waxa kale oo shirkaasi laga soo jeediyey in haddii ay Wasaaradu ka dhago adeygto inay soo celiso, isla markaana ay meel-mariso mashruuca sharci ee qabyo-qoraalka ahaa in la qaadi doono talaabooyinkan hoos ku xusan:

 

1. In dalab ay soo saxeexeen 5,000 Shan kun oo muwaadin sida uu dhigayo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland loo gudbiyo Golaha Wakiillada Somaliland.
2. In sida uu dhigayo Dastuurku 11 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland lagu qanciyo inay mashruuca sharci ee dhigaya sameynta iyo meel-marinta guddida ilaalinta xuquuqda dadka Naafada ah horgeeyaan Golaha Wakiillada si ay u sameeyaan una meel-mariyaan Xeerka guddida ilaalinta xuquuqaha dadka naafada ee Somaliland.

Garyaqanadii shirkaasi ka soo qeybgalay waxay ku taliyeen oo ay yidhaahdeen “Sugitaanka xuquuqda dadka naafada ahi, waxay ku xidhan tahay aasaasida guddida ilaalinta xuquuqaha dadka naafada ah”. Ayey yidhaahdeen.

Gebogabadii shirkaasi waxa lagu go’aamiyey in guddi ka kooban 10 aqoonyahan loo xil-saaray inay dabagalaan qoddobadii kulankaasi laga soo saaray.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories