HomeShiinaha oo Ciidamo iyo Hub culculus dhoobay gobolka Muslimiinta Dalkiisa

Shiinaha oo Ciidamo iyo Hub culculus dhoobay gobolka Muslimiinta Dalkiisa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xinjiang (SLpost): Xukuumadda Shiinaha ayaa ciiddamo dheeraad ah u dirtay gobolka Muslimiinta ugu badan dalkaasi ku dhaqan yihiin ee Xinjiang oo ku yaala galbeedka dalkaas, kuwaas oo aan la garanayn sababta xiligan keentay iyo ujeedada xukuumadda Shiinuhu ka leedahay talaabadaa duulaanka u muuqatay.

Masuul u hadlay ciidamada qalabka sida ee dalkaas ayaa sheegay in ciidamadan ujeedada loo diray tahay in laga hor tago rabshado kale oo gobolkaas ka soo cusboonaada. Bilihii July iyo August ee sanadkii hore ayay gobolkaas ka dhaceen qul qulatooyin iyo rabshado dhex maray ciiddamadda ammaanka iyo dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan gobolkaas, halkaas oo tira badan oo dad rayid ahii ku nafwaayeen.

Sida ay ku warantay jariiradda Chiana oo ah wargeys afka ciidamadda ku hadla waxa gobolka Xinjiang gaadhay gaaska lagu magacaabo shabeeladda barafka “Snow Leopard” kuwaas oo wata dabaabaddo iyo hub culculus waxaana la dejiyay magaaladda Aksu oo 460-km u jirta magaaladda Kashgar ee caasimadda gobolkaas.

Degaanka Aksu wuxuu xudun u ahaa rabshadihii sanadkii hore ay ku dhinteen 21-ka qof ee rayidka ah iyo tiro ciidamadda dalka Shiinaha ka tirsan. Sida jariiradu sheegtay ciidamaddan ayaa shaqadoodu noqon doontaa ilaalinta jidadka iyo goobaha muhiim ah ee degaankaas.

Hawl galkan ciidamaddu ka bilaabeen gobolkaas ayaa ku soo beegantay todobaadyo yar ka hor marka la qaban doono carwada ganacsiga ee dalka Shiinaha oo lagu soo bandhigi doono wax soo saarka Shiinaha bisha September ee fooda inagu soo haysa kaas oo lagu wado inuu ka dhaco gobolka galbeedka Shiinaha ee maamul hoosaadka gaarka ah leh.

Dawladda Shiinaha ayaa la sheegay inay qorshaynayso sidii loo cabudhin lahaa kacdoon dadka Muslimiinta dalkaasi ay sameeyaan, waana taas sababta keentay in xoojin iyo ciiddamo dheeraad ah loo diro magaalooyin badan oo ka tirsan gobolka Muslimiintu ku dhaqan yihiin ee dalkaas gaar ahaan magaalooyinka ​​Kashgar iyo Hotan.

Gobolka Xinjiang oo dadka ku dhaqani muslimiin yihiin wuxuu xuduud dheer la leeyahay dalal badan oo badhtamaha Qaaradda Eeshiya ka tirsan, waxaana gobolkaa ka taagan colaad wayn oo u dhaxaysa dadka muslimiinta ee asal ahaan gobolka leh oo tiradoodu dhan tahay 3.8-milyan iyo dadka Uighur-ka ah oo Shiine gobolkaas la dajiyay ah, waxaana mar walba gobolkaas ka dhaca dagaalo iyo rabshado dhex mara labadaa qoomiyadood.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories