HomeRadio Hilaac: Idaacad ku soo Biirtay Maqal-baahiyeyaasha Ku Hadla Afka Soomaaliga

Radio Hilaac: Idaacad ku soo Biirtay Maqal-baahiyeyaasha Ku Hadla Afka Soomaaliga

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Hargeysa (SLpost)- Idaacadda Radio Hillaac oo xarunteedu tahay magaalada Helsinki ee dalka Finland, ayaa caawa si toos ah u bilowday baahinteeda rasmiga ah, ka dib markii ay maalmihii u dambeeyey si tijaabo ah hawada ugu jirtay.

Idaacaddan oo ay aasaaseen Qurbejoog reer Somaliland oo deggen qaaradda Yurub, ayaa laga dhegaysan karaa Bariga Dhexe ama Geeska Afrika, waxaanay soo gashaa habeenkii 8:00 ilaa 8:30 Fiidnimo, iyada oo laga dhegaysan karo mawjadaha Gaaban, kuwo Dhexe ee khadka Internetka-ba.

copy-headerm-4Warsaxaafadeed lagu faahfaahiyey baahinteeda iyo ujeeddada loo aasaasay oo ka soo baxay xarunta dhexe ee Idaacadda, ayaa u qornaa sidan:

“Wargalin ku socota bulshada Somaliland.

Maamulka Radio Hilaac waxa uu ku wargalinaya bulshada reer Somaliland meelkasta oo ay dunida daafaheeda ka joogaan in taariikhdu markay tahay 15.03.2014. uu hawada soo galayo Radio Hilaac saacadu markay Sideeda fiidnimo ilaa Sideeda iyo badhka fiidnimo (8:00PM- 8:30PM) ee Afrikada Bari.

Radio Hilaac waxa aydun hawada ka dhagaysan doontaand 15180 KHz mawjada gaaban ee dhererkeedu yahay 19 Meter Band oo ah mawjada Short Wave-ka ee loo soo gaabiyo SW, maalinkasta marka laga reebo Jimcaha ama habeenimada Sabtidu soo galayso,

Hadii aad ku sugantahay Bariga Dhexe ama Geeska Afrika sida wadamada Somaliland, Itoobiya, Kenya, Somalia, Jabuuti, Uganda iyo Sudan waxaad u maqli doontaa Radio Hilaac si aad u sarraysa, waa inaad lahaataa Radiyow Saamaxaya in aad ka dhagaysan karto mawjada SW-yada. Waxa kale ood naga dhagaysan kartaa marwalba meelkastood joogto barta internetka ee https://www.radiohilaac.com/

Ujeedo: Ka dib markii ay isu tageen dadka mida Qurbajoogta Somaliland waxay arkeen in ay tahay laga maarmaan in la helo Radio Dalka wada gaadha si loo kobciyo Saxaafadda Somaliland iyo geedi socodka dimuqraadiyadda, Dalkuna u wada socdo

Caddayn: Waxa uu Maamulka Radio Hilaac ku wargalinayaa Shacabka, Dawlada Somaliland, Axsaabta Qaranka, Golaha Guurtida, Golaha Baarlamanka, in idaacadu tahay idaacad dhexdhexaad ah isla markaana u dhaxayn doonta oo ay ka simanyhiin Shacabka Somaliland Asxaabta Qaranka Mucaarid iyo Muxaafidba. Radio hilaac waxa uu ilaalin doona akhlaaqiyaadka Saxaafadda, waxa Radio Hilaac aan laga sii daynayn marnaba warar wax u dhimi kara Karaamada Iyo Sharaf Shakhsi kasta oo Muwaadin ah iyo wixii waxyeelo u gaysan kara qarannimada Somaliland .

Radio Hilaac waxa uu mar walba sii dayn doonaa barnaaijyo sare u qaadaaya aqoonta iyo aragtida Shacabka Somaliland.

Radio Hilaac waxa uu ku leeyahay xarumo Qaarada Maraykanka State-ka Minnesota, Washiton DC, Nashville Qaaradda Yurub Magaalada London Dalka Ingiriiska Magaalada Stokholm Dalka Sweden Magaalada Helsinki Dalka Finland Qaaradda Eeshiya Dalka Maleesiya Magaalada Kulalambur iyo Imaaraadka Carabta

Radio Hilaac waxa uu buuxiyey Shuruudaha Caalamiga ah ee xeerka Saxaafadda Aduunka waxa kale oo uu buuxiyey Xeerka Saxaafadda Somaliland.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories