NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...
Garoowe(SLPOST)Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka hadalay lacag dhowr milyan oo dollar ah oo la dul-dhigay saddex sarkaal oo ka tirsan ururka Al-shabaab, kuwaas oo uu ku jiro Yaasiin Kilwe oo amiir u ah dagaalyahanada jooga buuraha Galgala.
Wasiirka amniga iyo hub ka dhigista Puntland Xasan Cismaan Aloore oo maanta la hadlay idaacadaha gudaha, wuxuu sheegay in dowladiisa ay ku faraxsan tahay in abaal-marin lagu bixiyo soo sheegista xubnaha Al-shabaab iyo in laga wada shaqeeyo dagaalka lagula jiro ururka.
Amiirka Al-shabaab ee buuraha Galgala Yaasiin Kilwe oo wasiirku ka hadlay wuxuu yidhi “marba meel buu ku dhuntaa aanan hada carabaabayn, waxa dulsaan ka sokow anagaaba doonaynay Yaasiin Kilwe waana garanaynaa saan howshayada u gudan lahayn.”
Wasiirka amniga wuxuu si cad u sheegay in Puntland ay u diyaar tahay in ay iska ilaaliso in xubnaha Al-shabaab ay u soo firxadaan gobolka, xili dowladda iyo AMISOM ay dhowr magaalo oo muhiim ka qabsadeen kooxda.
“sida qaalibkaba ah waxa soomaaliya ka socda arrimaha shabaab mar kasta waan u toog-haynaa, colaada keliya ee aan leenahay weeye, hadana hadii ay soo firxadaan Puntland diyaar bay u tahay inaan cadowgu ku qarsoomin.” Aloore.
Wasaaradda arrimaha dibeda ee maraykanka ayaa shaacisay magacyada saddex sarkaal oo kala ah Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir (Ikraama) oo ku eedaysan abaabulka weerarkii Westgate iyo qorista dhalinyarada ku biiraysa Al-shabaab ee Kenya, waxaa kaloo ku jira ku xigeenkiisa Jacfar.
Yaasiin Kilwe oo ah sarkaalka ugu sareeya Al-shabaabka Galgala ayaa sidoo kale liiska ku jira, waxaana Maraykanku ku bixinayaa $3 milyan oo dollar. USA waxay sheegtay in Puntland iyo Soomaaliland ay yihiin meelo nabdoon oo ay kala shaqayn doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland