HomePuntland oo fulisay shuruudo uu ka dalbaday Sheekh Attam, Somaliland oo aan...

Puntland oo fulisay shuruudo uu ka dalbaday Sheekh Attam, Somaliland oo aan ka hadal iyo khatarta uu heshiiskaasi ku yeelan karo xasilloonideeda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Boosaaso, 26 July 2011 (Somalilandpost)- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, ayaa baabbi’iyey Maxkamad lagu tilmaamay inay dembiyada culus qaadi jirtay, isla markaana Xabsiyada ka sii daayey dad lagu sheegay in lagu xidhiidhiyey Malleeshiyada Sheekh Atam ee deegaanka Galgala.

Sida lagu shaaciyey Shabakadaha wararka qaarkood, wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Faroole ayaa lagu sheegay in la baabbi’iyey Maxkamaddaas, isla markaana Garsoorayaashii ka hawgalayey ayaa lagu daray Maxkamadda Sare ee maamulkaas. Warku wuxuu sheegay in Maxkamaddani ay xukunno dilal iyo Xabsiyo ahaa ku ridday dad badan oo la sheegay in lagu tuhunsanaa dilal qorshaysan oo ay ka geysteen degaannada Puntland, kuwaasoo maamulka Puntland ku eedeeyey inay ka tirsan yihiin Malleeshiyada taabacsan Sheekh Atam ee ka dagaallanta Buuralayda deegaanka Galgala oo ku yaalla badhaha Somaliland iyo Puntland.

Dhinaca kale, waxa isla shalay Xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso laga sii daayey tiro Maxaabiis ah oo warku sheegay inay u xidhnaayeen dembiyo lagu xidhiidhiyey inay ka mid ahaayeen kooxaha ka dagaallama Buuraleyda Galgala ee uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Saciid Atam.

Sii-daynta Maxaabiistaas ayaa la sheegay inay timi, ka dib markii uu qoraal cafis guud ah ka soo saaray Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole shalay, kaasoo uu ku sheegayo in la sii-daayo dhammaan kooxaha u xidh-xidhan dembiyada la xidhiidha taageeridda Sheekh Atam. Warar kale ayaa iyaguna tibaaxaya in tallaabooyinkan uu qaaday Mr. Faroole ay ka dambeeyeen heshiisyo dhawaan labada dhinac ka gaadheen colaaddii u dhaxaysay.

Wadahadallo ay dhawaan labada dhinac ku wada yeesheen degaannada Buuraleyda Galgala, ayaa la sheegay in mar kale loo ballamay 20-ka bisha barakaysan ee Ramadaan, hase ahaatee, ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya qodobbada heshiisyada la kala saxeexday iyo dalabyada laga soo jeediyey wadahadalkooddaas.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiska hordhaca ah ee la sheegay inuu labadaas dhinac dhexmaray, ayaanay Xukuumadda Somaliland dhinaceeda ka hadlin, isla markaana waxa uu heshiiska Puntland iyo Sheekh Attan saamayn taban ku yeelan karaa Dawladda Somaliland maaddaama oo wax heshiis ah oo ay kula jirtaa jirin. Iyada oo maamulka Puntland-na Jabhadda uu heshiiska la galay uga faa’iidaysan karo inuu u soo jeediyo dhinaca Somaliland oo mar walba maamulka Faroole jecel yahay inuu carqaladeeyo xasilloonida ka jirta.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories