HomeOdoyaal Dowladda Ku Dhaliilay Inay Ka Gaabisay Badbaadintii Gadhii Uu Qofku Ku...

Odoyaal Dowladda Ku Dhaliilay Inay Ka Gaabisay Badbaadintii Gadhii Uu Qofku Ku Dhintay Caaqilkuna Ku Dhaawacmay Ee Xalay Daadku Qaaday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Caaqil Axmed Maxamed Cumar iyo oday Cabdi Axmed Cismaan (Kinaal), ayaa dowladda ku edeeyey inaan gurmadkii loo baahnaa loo fidin gadhigii uu xalay daadku ku qaaday dooxa Hargeysa ee qofku ku geeriooday, isla markaana dhaawacu ka soo gaadhay Caaqil Cabdi Xirsi Galow.

blankCaaqil Axmed Maxamed Cumar oo dhacdadaa ka hadlayay ayaa yidhi “Xalay todobadii ayuu gaadhigaasi ku dhacay dooxa Hargeysa, dhinacna wuu u dhacay isaga oo biyuhu wataan. Labadii nin ee gaadhiga saarnaana xagga hore ayay fadhiyeen. Labadii mid xagga dambe ayay biyihii ka saareen ka kalena inta uu dusha uga baxay ayuu qayliyey. Labadii ninba muddo saacad iyo badh ayay gaadhiga dushiisa ku taagnaayeen oo ay qaylinayeen kuna muusannaabaayeen naga saara biyaha, dhinac kastana boolisku wuu ka xigay, shacabkuna wuu ku soo uruuray. Ilayn shacabku waxba ka saari kari maayaane waxay ahayd inay boolisku nimankaa u gurmadaan oo ay xadhko u tuurtaan.” Ayuu yidhi Caaqil Axmed Maxamed Cumar.

Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Labadii nin halkii ayuu dadku ku qaaday, ninka caaqilka ahi (Caaqil Cabdi Xirsi Galow) isagu wuu ka dabbaashay oo geed garanwaa ah ayuu qabsaday, niman dhalinyaro ah oo garab yaacayayna way caawiyeen. Dabeetana isaga oo koomo ku jira ayaa laga soo saaray. Ninkii kalena sidii ayuu ku tegay oo daadkii ku qaatay. Waxaana maydkiisii oo wareebe cunayo laga soo hekay meesha la yidhaahdo Jaleelo oo sidaas ayaa lagu aasay.”

“Illaa xalay markii na loo soo sheegay illaa saacaddan aynu fadhino oo afartii iyo badhkii ah (galabta) waanu gurmanaynay oo kolna maydkii ayaanu raadinaynay kolna gaadhiga ayaanu qodaynay.” Ayuu Caaqil Axmed Maxamed.

Waxa uu dowlada ku dhaliilay oo uu yidhi “Waxay ahayd in dowladu cid uun soo dirto oo xitaa laba nin oo Boolis ah-na maanaan arag. Markaa waxa aanu ku canaananaynaa dowlada in loo dadaalo shacabka Somaliland marka ay taas oo kale ku timaado oo xaqbaa loogu leeyahay, oo cagaf amma wiish loo keeno. Gaadhigiina waa kaas oo afartii galabnimo ayaanu ka soo saarnay annaga oo aan waxba ku noolayn.”

Waxa uu intaa ku ladhay oo uu yidhi “Waxa aan ku darayaa maydkiina waanu aasnay, Caaqilkiina wuu sahlan yahay oo wuu ka baxay koomadii, waxaana aan hadalka kaga tegayaa canaan waayeel, macnuhuna maaha Caaqilku mucaarid ma noqdo waxna ma caayo, laakiin inuu wax sheego ayaa caq loogu leeyahay. Waxa aan dowlada u sheegayaa biriijka Hargeysa wixii bari ka xiga ma waxay ku filnaan wayday marka roob  soo da’o in labada wadda dadka laga xidho oo midba laba askari la dhigo lana yidhaahdo lama mari karo. Dadkuna wuu dayacan yahay oo inaanu aamusnaa xaq maaha.”

Waxa isaguna halkaa ka hadlay oday Cabdi Axmed Cismaan (Kinaal) oo si kulul dowlada ugu canaantay inaanay xil iska saarin wax-ka-qabashadii masiibadaas, “Ugu badnaan 300 oo tallaabo ayuu saldhiga booliska new Hargeysa u jiraa meesha oo shilkaasi ka dhacay ilaa saacaddaa hadda ilaa todobadii xalay qof dawlad ah maanaan arag. Wax nala soo hadlay dhegahayagu may maqal. Sidaa markay tahay maxay u eeg tahay? Waxay u eeg tahay in meel Riseef eeriya ah [ kililka shanaad ee Itoobiya] ka tirsan oo Mohollin u dhaw in waxaasi nagaga dhaceen.” Ayuu yidhi Cabdi Axmed Cismaan (Kinaal)

Waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Meel dowladi joogto oo maamul ka jiro oo madaxweyne leh oo wasiirro leh, oo saldhig Boolis intaa u jiro, waxa aanu qabnaa inaanaan joogin. Canaan maaha ee waxa naga muuqda dayacaad.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories