HomeNuxurka Kulan Dhexmaray Wasiirka Ganacsiga Somaliland iyo Dhiggiisa Dalka Imaaraadka Carabta

Nuxurka Kulan Dhexmaray Wasiirka Ganacsiga Somaliland iyo Dhiggiisa Dalka Imaaraadka Carabta

Date:

Related stories

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

Dubai (SLpost)- Wasiirka Ganacsiga Iyo Maal-gashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta kaga qayb-galay shir sanadle ah oo lagaga hadlay ganacsiga Afrika iyo Waddamada Carabta, ayaa  maanta  kulan la yeeshay  Wasiirka Ganacsiga iyo dhaqaalaha  ee dalka Imaaraadka Carabta Mr. Sultan Mansouri.

DubaiSida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, labada Wasiir, ayaa ka wada-hadlay sidii loo taabo-gelin lahaa iskaashiga Ganacsi ee labada dal u dhexeeya iyo sidii diiradda loo saari lahaa dhinacyada u baahan in la sii xoojiyo.

Warku waxa uu intaas ku daray in Wasiirka Ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Ganacsiga iyo dhaqaalaha ee Imaaraadka carabtu ay isla faaqideen sidii dawladda Imaaraadka Carabtu ay Somaliland uga saacidi lahayd sidii loo horumarin lahaa dhinaycada Kalluumaysiga, ka faa’iidaysiga Tamarta iyo sibidhka.

“Labada Wasiir waxay isku waafaqeen inay wufuud kala duwan is weydaarsadaan si loo soo darso qoddobada Ganacsi ee labada waddan ka wada shaqayn karaan,” ayaa lagu sheegay qoraalka kooban ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

UAE-2Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, oo todobaadkii hore ka amba-baxay magaalada Hargeysa, ayaa ka qayb-galay shirweynahan oo ay  ka soo qeyb galeen in ka badan soddon Waddan iyo shirkado ka socday waddamada Afrika iyo Carabta ee xidhiidhka Ganacsi ka dhexeeyo, waana markii u horaysay ee Somaliland lagu soo marti-qaado shirkan oo sannad kasta lagu qabto magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE).

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories