HomeNidaamkii ugu Layaabka Badnaa ee Arday Imtixaan galaysa lagu sameeyo

Nidaamkii ugu Layaabka Badnaa ee Arday Imtixaan galaysa lagu sameeyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankMuuqaalka aad ku aragtaan qormadeenan maantu waa mid aad u layaab badan, waxaana sawirkan laga soo qaaday ardayda dugsiyada hoose dhexe ee dalka Suudaan oo markii macalimiintoodu sida la sheegay ay uga taag waayeen, qishka ama kala eegashada imtixaanka ay miciinsadeen waraaqo sidii dameerihii, gaadhi ximaarka oo kala lagu xidhayo ardayga. Wallow aanu ahayn sawirkani mid la ogolaa haddana waxa si qarsoodi ah uga qaaday suxufi madax banaan oo ka iibshay wakaaladda wararka ee Reuters oo iyadu baahisay. Sababo la xidhiidha dhinaca ammaankooda ayaan loo sheegin dhab ahaan ka uu yahay dugsigani hasa yeeshee waxa sababta ardaydan sidan loogu galay lagu sheegay mid macalimiintu kaga nasanayaan ilaalintii joogtada ahayd, ee ay inta imtixaanku socdo la dul taagnaan lahaayeen. Dalka Suudaan wuxuu ka mid yahay wadamada tirada ardaydu si xawli ah sanadba sanadka ka danbeeya ay u sii kordhayaan, waxaanay kala eegashada imtixaanaadku noqotay laf dhuun gashay oo xal kale loo waayay. Mid ka mid ah macalimiinta dugsigan oo la waydiiyay sababta ay qaabkan u isticmaaleen ayaa sheegay in macalimiintu khatyaan iska taageen ilaalinta ardayda siyaabo badana loo kala eeganayo imtixaankii sidaa dartii ay isticmaaleen kartoomadan oo madbacad ku taala dalkaasi si gaar ah u farsamaysay. “Ardayda ayaa marka laga qaadayo ama ay dhiibayaan bayaadka imtixaanka sidoo kale dhiibaya waraaqahan lagu xidhay ee madaxa lagaga duubay, loomana ogola inay dibada ula baxaan. Maaha arintani mid si sharci ah ay dawladda dalkaasi u ogolaatay ama wasaarada waxbarashadu u soo saartay hasa yeeshee waa nimaad ay dugsiyada qaarkood isticmaalaan, waxaana loo qariyaa si adag oo waxay macalimiintu ka cabsi qabaan in haddii ay mudanayaasha Baarlamaanka ee dalkaasi maqlaan ay arintan fadeexad ka dhigaan.” Sidaa waxa yidhi ruux ka gaabsaday magaciisa oo ka hadlayay xaaladdan. Si kastaba ha ahaatee wuxuu sawirkani noqday mid si wayn u faafay oo mobilada la isugu diray dalkaas, waxaana lagu daba jiraa sidii loo ogaan lahaa dugsigaan iyo meesha uu ahaa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories