HomeNatiijada ka dhalan karta kootaynta xirfadda qareennimo iyo raadka ay ku yeelan...

Natiijada ka dhalan karta kootaynta xirfadda qareennimo iyo raadka ay ku yeelan karto Garsoorka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xuquuqaadka aasaasiga ah ee ku dhigan qodobada 21-36 ee Dastuurka JSL waa kuwo dastuurku u damaanad qaadayo Muwaadiniinta, xuquuqaadkaasi waa kuwo qofka Muwaadinka  ahi leeyahay goor kasta iyo goob kasta. Ma jirto cid awood u leh in aay laasho xaq ku jira oo uu bixiyey Dastuurka JSL.

Hadaba, Wasaaradda Caddaaladu iyada oo iska indho tiraysa xuquuqdaas ayaa waxa ay ku tumatay xaqii ay lahaayeen boqolaal aqoonyahan reer Somaliland ahi, kadib markii ay laashay oo diiday  in ay bixiso ruqsadihii qareenimo.

Waxa Wasaaraddu u badheedhay in ay u diido aqoonyahankii sharciga soo bartay in ay ku caawiyaan dadkooda waxay soo barteen. Maanta qofka sita PhD, Master ama Bachelor Degree kama noqon karo Somaliland qareen. Ha noqdo qareen ka soo baxay Havard, Oxford ama Jaamacadda Hargeysa. Laba arimood ayaan markaa is qaadi Karin: in siyaasadda xukuumadda ay ku jirto shaqo abuurid iyo in Wasaaradda Cadaaladda, iska daa in ay shaqo abuurto e, in ay diido shaqooyin kii gaarka ahaa. Markaa cunaqabataynta ay Wasaarada Cadaaladu ku soo rogtay sharciyaqaanada ma mid xukuumadu la qabtaa mise waa mid iyada u gaar ah?!!!!!

Wasaaradda Cadaaladdu waxa ay ilaa hada dhegaha ka furaysatay baaqyada iyo codsiyada is daba jooga ah ee lagaga codsanayo in ay Dastuurka dhawrto oo aanay si kas ah ugu tuman. Waxan Wasaaradda Caddaaladda xasuusinayaa in Dastuurka oo lagu tuntaa yahay denbi culus. Waxaaana suuragal ah in mar uun laga xisaabtamo arinkan.

Iyada oo aynu ognahay doorka uu bulshada ku leeyahay sharcigu, waxaa ah waxaan la qaadan Karin in dadkii shariciga bartay laga fogeeyo xirfadooda, waxaana ka dhalan kara:

  • In la niyad jebiyo kuwo baranaya,
  • In laga hortago kuwa is leh ku biira kuliyadaha sharciga.
  • Waxaa kale oo ka dhalan kara talaabadan Wasaaradda Cadaaladu qaaday in Garsoorka Somaliland qaloocsamo oo uu waayo dad aqoon leh oo ka shaqeey.
  • In ay yaraadaan dadka barta sharicga
  •  In ay kor u kacdo tirade dadka tahriibaya. Dhalinyarada sharciga soo baratay ee lagu soo rogay cunaqabaynta qaar badan oo ka mid ah ayaa miciinsan doona in aay iskaga tagaan dalka.

Waxan ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland in aay soo faro-geliso arinkan oo lagu amro Wasaaradda Cadaaladdu in ay sharciga u hogaansanto oo ay fuliso xuquuqaha dastuuriga ah.

Garyaqaan:Mowlid Farah Mousa

 4401990

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories