HomeMurashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID oo si Qoto-dheer uga hadlay Farsamooyinka Musuq-maasuq ee...

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID oo si Qoto-dheer uga hadlay Farsamooyinka Musuq-maasuq ee ay ku kacaan masuuliyiinta Xukuumadda Siilaanyo

Date:

Related stories

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

jamaal-caliLondon (SLpost)- Musharraxa u taagan Jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in Musuqmaasuq iyo wax-is-daba-marin badheedh ay ku sifoobeen Masuuliyiin badan oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka tirsan, isla markaana dhaqaalaha la lunsado iyo dhaqaalaha sida qayrul-caadiga ah loo isticmaalaa uu dalka iyo dadka wax weyn u qaban lahaa

Jamaal Cali Xuseen oo  hadal ka jeediyey munaasibad taageerayaasha Xisbiga UCID isaga iyo Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka 3aad ugu sameeyeen magaalada London, waxa uu sheegay inay Xukuumaddu madaxweyne Siilaanyo bulshada culays ku saartay cashuuro mar walba la kordhiyo oo keenay sicir-barar iyo inay danyartu quutal-daruuriga iibsan kari waydo, waxaanu uu soo jeediyey inay Xukuumaddu wax ka qabato, isla markaana si cilmiyan ah u dejiso cashuuraha ay maalinba kordhinayso.

“Dawladaha dunida waad ogtihiine miyaad aragteen dawlad maalin walba leh maantana wadda heblaayo ayaannu dhagax-dhignay, meel heblaayo ayaannu dhagax-dhignay? Maya, waxay ka hadlaan koboca shaqaalaha iyo heerka shaqo la’aanta iyo sannadkiiba inta la shaqaalaysiiyo.”

Sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen. Waxaanu soo jeediyey in Shirkadaha heshiisyada Shidaalka ay Xukuumaddu la gelayso inay ka deyso qololka madow ee ay kula heshiinayso, isla markaana ay Baarlamaanka soo hordhigto heshiisyada caalamiga ah ee ay gelayso.

Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya cashuuraha la kordhiyo waxa uu yidhi,“Intaasoo cashuurood ayaa afar illaa shan jeer la laban laabay, cashuuraha la laban laabayaa dhaqaale kordhis maaha, dadka dhaawac bay ku keenaan, sicir-barar bay ku keenaan, ee waxa loo baahan yahay in la cilmiyeeyo. Askarigu markuu kontonka dollar qaadanayey Gadbadda Bariiska ahi waxay ahayd 18 Doollar, maantana waad la socotaan, waxa la yidhi Mushaharkii baa laguu kordihyey, wuxu u goynayaana ma jiro.”

Jamaal Cali Xuseen waxa uu si qoto-dheer u taabtay gabbood-fallada dhinaca musuq-maasuq ee masuuliyiinta Xukuumadda Siilanayo ku kacaan, waxaanu yidhi, “Lacagta la musuqaya iyo ta Wasiirrada soo dhawayntooda iyo kharashkooda ku baxdaa markaan yareeyo Wasiirkiiba waa 15 kun oo Doollar, toban Wasiir marka la isu geeyo kharashka bishii ku baxaa waxay noqonaysaa 150,000 (boqol iyo konton) kun oo Doollar, marka aad xisaabiso waxay noqonaysaa ku dhawaad laba Milyan oo Doollar Ictiraafka innagoo kaga shaqayna oo dalka aqoonsi ugu donna ayaa la qaatay. Ictiraafka haddaan ka hadlo anigu waxaan rumaysanahay laabtuun baynu ka jeclaannay ee aad umaynaan doonin.”

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlayey qorsheyaasha xukuumaddu u dejisay siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dalka, waxa uu sheegay inaanay Xukuumadda talada hadda haysaa ay meel fog ka raadinayso aqoonsiga, isla markaana waddamada Afrika oo aqoonsiga Somaliland ku xidhan yahay aanay aad isugu hawlin, waxaanu yidhi; “Afrika istaraatiji bay u baahan tahay, waynu samayn karaynaa innagoo dhawr waddan qorshe u samayna oo la kulanna oo Guddi u samayna, Somaliland intaas oo Guddi baa la sameeyey, wax walba Guddi baa loo sameeyey illaa Guddiga Xashiishka ayaa la sameeyey, Guddi Ictiraaf weli maynaan arag. Laakiin, ictiraafkii oo shaygii ugu muhiimsanaa ah Guddi looma samayn.”

Jamaal waxa uu ballan-qaaday inay UCID ahaan diyaar u yihiin inay Xukuumadda kala shaqeeyaan aqoonsi-raadinta iyo kobcinta iyo qorshaynta dhaqaalaha, hase-yeeshee, ay nasiib-darro tahay inay Xukuumaddu cadaw ka dhigato Xisbiyada Mucaaridka ah.

 

SOMALILANDPOTS.NET/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories