HomeMudaharaad xubno Baarlamaanka Baxrayn ka tirsani ka qayb galeen oo lagu canbaareeyay...

Mudaharaad xubno Baarlamaanka Baxrayn ka tirsani ka qayb galeen oo lagu canbaareeyay hoggaanka Suuriya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Manama  (SLpost): Xarunta dalka Baxrayn waxa maalintii shalay ka dhacay Mudaharaad balaadhan oo lagaga soo horjeedo siyaasadaha iyo xooga dawladda Suuriya ku muqiininayso dadka ka soo horjeeeda maamulka dalkaas. Mudaharaadkan oo ahaa mid si wayn loogu soo baxay waxa ka qayb galay xubno ka tirsan Baarlamaanka dalkaas, masuuliyiin sar sare oo boqortooyada ka mid ah, jaaliyadda reer Suuriya ee ku dhaqan dalkaas iyo shicib fara badan oo u dhashay dalka Boqortooyadda Baxrayn.

Dadka mudaharaadayay oo sitay boodhadh ay ku qoran yihiin halku dhegyo ka dhan ah Madaxweynaha dalka Suuriya iyo qoraalo ugu baaqaya caalamka iyo dawladdaha carabta inay talaabo adag ka qaataan hogaanka dalka Suuriya, isla markaana mawqif adag iska taagto dunidu, si loo yareeyo cadaadiska iyo gumaad ba’an ee xukuumadda Dimishiq ay ku hayso shacbigeeda. Markii Mudaharaadayaashu gaadheen fagaaraha Lu’lu’a loo yaqaano ee badhtamaha caasimada dalkaas waxa la hadlay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan iyo xubno baarlamaanka dalkaas ka mid ah, kuwaas oo dhamaantood si caadifadi ku jirto uga hadlay dhibaatadda shacbiga Suuriya lagu hayo, waxa kale oo dhamaan xubnahani ay ka hadleen iska indho tirka dalalka carabta iyo caalamka intiisa kale.

Qaar ka mid ah shacbiga reer Suuriya ee ku dhaqan dalkaas oo iyagana ay xubno halkaas uga hadleen ayaa ka codsaday shacbiga reer Baxrayn inay is garab taagaan sidii xukunka ay uga tuuri lahaayeen Madaxweyne Bashaar Al-Asad oo ay ku tilmaameen dhiigyo cab shacbigiisa ugu abaal guday dil, kufsi iyo qaxooti.

Waxa kale oo xubnihii u hadlay jaaliyadda reer Suuriya ay ka warameen heerka xasuuqu ka marayo dalkooda oo ay sheegeen in duniddu ku daawanayso oo aanay dan ka lahayn, laakiin uu Alle la jiro waa sida ay hadalka u dhigeene. Mudaharaadkan dalka Baxrayn ka dhacay ee lagu taageerayo kooxaha kacdoonka wada ee dalka Suuriya ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee si heerkiisu sareeyo looga sameeyo dal carbeed.

Si kastaba ha ahaatee mudaharaadkan lagu taageerayo shacbiga Suuriya ayay dadka siyaasada ka faaloodaa ku tilmaameen mid muujinaya in samirkii iyo taxadirkii dalalka carabtu dhamaaday oo la gaadhay wakhti aan waxba loola hadhayn Madaxweyne Bashaar Al-Asad. Boqortooyadda Baxrayn waxay ka mid tahay sadex dal oo carab ah oo laba todobaad ka hor dalka Suuriya kala baxay Safiiradoodi si ay u muujiyaan ashkato ay ka qabaan gumaadka milatariga Suuriya ku hayaan shacbiga dalkaas iyo is dhega marka uu madaxweyne Asad ku diidan yahay talooyinkii dunidu siisay ee lagaga dalbanayay inuu is badal sameeyo, dilka iyo xadhigana ka daayo dadka mudaharaadaya.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories