HomeMucaaradka Liibya oo Sheegay halka uu Gaddafi ku sugan yahay Wakhti ay...

Mucaaradka Liibya oo Sheegay halka uu Gaddafi ku sugan yahay Wakhti ay Go’doon ku jirto magaalada uu ku dhashay ee Sirte

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tripoli (SLpost)- Hoggaamiyeyaasha mucaaradka Libya ayaa shaaca ka qaaday inay kalsooni ka qabaan qabashada Kornayl Qadaafi oo dhuumasho ku jira tan iyo intii uu ka baxsaday caasimadda Tripoli, sida uu sheegay wasiir ka tirsan golaha Ku-meel gaadhka ah, Ali Tarhouni.

blank
Muuqaalka dhulka Saxaaraha ee la rumaysan yahay inuu Qadaafi u baxsaday

Masuulkani waxa uu u sheegay saxafiyiinta, “Fikrad wanaagsan ayaanu ka haysanaa meesha uu ku sugan yahay. Wax shaki ahi nagagama jiro inaanu soo qaban doono.”

Farriintan mucaaradka ayaa ku soo beegantay war sir ah oo uu bixiyay mid ka mid ah ilaaladii gaarka ahayd  ee Taliyaha Ciidadama oo ah Gaddaafi wiilkiisa Khamis kaas oo sheegay in hoggaamiyahan 69-jirka uu ka qaxay magaalada Tripoli wakhti magaalada Duqayn lagu waday maalintii Jimcaha waxaanu magaalada kaga baxay isaga oo la socda raxan baabuurta Qufulan ee shicibka.

blank
Wiilka 17-ka ah ee ilaalada u ahaa Wiilka Gaddaafi

Wiilkan da’da yar ee ilaalada ah ayaa shaaciyay inay u socdaaleen magaalada Sabha oo Qadaafi Qabiilkiisu deggen yahay isla markaana ku taala gobolada ka fog caasimadda ee Xagga Saxaaraha xuduudda Aljeeriya.

Magaalada Sabha ayaa ah meelaha ugu dambeeya ee dadkeedu daacadda u yihiin Qaddaafi kuwaas oo si xoog leh u hubaysan isla markaana u diyaar-garoobay inay difaacaan deegaankooda.

Wakhtigan Xaadirka ah, waxa go’doon ku jira askartii difaacaysay magaalada uu ka soo jeedo Qadaafi ee Sirte oo 400 mile dhinaca Woqooyi ka xigta magaalada qoyskiisu ka soo jeedo ee Sabha, waxaana shalay loo soo bandhigay inay is-dhiibaan ama la xasuuqayo.

Saraakiisha mucaaradka iyo NATO ayaa isku dayay inay xal-nabadeed ku dhammeeyaan go’doonka askarta ku sugan magaaladii ugu dambaysay ee ay xooga ku leeyihiin isla markaana la sugayo inta ay dhammaanaayaan maalmaha faraxadda ee Ciidal-Fidriga.

In kasta oo wakhtigaas loo qabtay jiro, haddana waxa magaalada ku hareeraysay kumanaan mucaaradka ah oo ku hubaysan Taangiyo, hubka waaweyn iyo baabuurta gaashaaman, in kasta oo magaalada ay ku sugan yihiin ciidamo si xoog leh u difaacaya.

blank
Khariirad muujinaysa Magaalad Sabha ee Qaddaafi u baxsaday

Waxa la soo wariyay shalay in Gaddafi xaaskiisa Safiya iyo inantiisa Caasha oo inan umushay iyo laba ka mid ah wiilshiisa, Hanibal iyo Maxmed, ay u qaxeen dalka Aljeeriya. Waxa la sheegay inay ka mid ahaayeen 32 qof oo ka mid ah qoyska Qaddaafi oo magaalada Bani Walid kaga baxay iyaga oo wata Baabuurta Gaashaaman ay u baqooleen dhanka Koonfureed ee ilaa Sabha, dabadeedna ay dhanka Galbeed u raaceen xuduudka Aljeeriya.

blank
Wiilka uu Qaddafi Dhalay ee Hanibal

Hoggaamiyayaasha mucaaradka kacsan ayaa dhaleeceeyay bixitaankooda in kasta oo Aljeeriya oo wakhti badan xulufo la ahayd Gaddaafi ay isku difaaceen inay magan-galyo siiyeen, waxaana la sheegayaa in xuduudka labada dal u dhexeeya shalay la xidhay.

Sida xaqiiqdu tahay, waxa haatan mucaaradka Liibya muhiimadda koowaad ah isla markaana ay aad u danaynayaan gacan-ku-dhigista magaalada Sirte oo 250 mile dhinaca bari ka xigta caasimadda. Hoggaamiyaha mucaaradka Mustafa Abdul Jalil ayaa sheegay inay ku dedaalayaan wada-xaajood ay la yeeshaan ciidamada ku sugan Sirte, balse dulqaadku dhammaan karo haddii la isku mari waayo.

blank

Somalilandpost.net

somalilnadpost@yahoo.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories