Mishiinka Kelyaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo markii ugu horeysay lagu hawl-geliyey Bukaankii ugu horreeyey

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Hargeysa (SLpost)– Waxaa Maanta si rasmi ah loo hawl galiyay Mishiinkii dhinaca kelyaha isla markaana loo adeegsaday wax u qabashada Bukaankii u horeeyay oo ah muwaadin u dhashay Somaliland .

Arrintan oo ahayd mid baahi weyn loo qabay ,gaar ahaan dadka dhibaatadu kala soo deristo dhinaca Kelyaha oo dalka dibadiisa hore loo gayn doono .

Dr Axmed Cali Askar iyo Dr Cabdiraxmaan Heeliyo  oo saxaafada u waramay ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay sida uu ilaahay ugu fududeeyay bukaanadii ugu badnaa ee wax ka qabashada xanuunada kalyuhu la soo darseen isla markaana ay ka hawl galaan Dhakhaatiir aqoon sare u leh wax ka qabashada dhinaca kelyaha oo Wasaarada Caafimaadku ay dadaal badan u gashay.

Labadan dhakhtar waxay intaas ku dareen in barnaamijyada u qorshaysan cisbitaalka guud ee caasimadu uu yahay sidii adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah loogu fidin lahaa hooyooyinka uurka leh ee ku guda jira marxaladii foosha.

Qaar ka mid ah Dhakhaatiirta Caalamiga ah ee ka hawl galaya Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargaysa ayaa Saxaafada u sheegay in talaabadani ay u fududayn doonto inay dalka Somaliland ugaga shaqeeyaan qaliinada sare ee laga fulinayo cisbitaalka caasimada isla markaana hawlaha uu bulshada u hayo kaas oo soo celinaya sida ay cadeeyeen kalsoonidii iyo iskaashigii dawlada iyo shacabka Somaliland.

SLpost News/Hargeysa

- Advertisement -

Latest News

He spied on Al-Shabaab for Ethiopia, then Ethiopia imprisoned him

This is the extraordinary story of an Ethiopian military intelligence operative who spent nearly three years undercover inside Al-Shabaab,...
- Advertisement -

More Articles Like This