HomeMid kamid ah Aqoonyahanka Reer Saaxil oo Xabsiga loo taxaabay iyo sababaha...

Mid kamid ah Aqoonyahanka Reer Saaxil oo Xabsiga loo taxaabay iyo sababaha xadhiggiisa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera  (SLpost) – Dr. Maxamed Haybe Nuux oo kamid ah Aqoonyahanka Reer Saaxil ayaa Saqdii dhexe ee habeen-hore lagu soo xidhay Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Berbera, ka dib markii fiidkii habeenkaas Booliska Degmada Sheekh ka soo qabteen isla magaalada Sheekh.

Ma jiraan warar rasmi ah oo illaa hadda sheegaya sababta Xadhigga Maxamed Haybe oo ka soo baxay Saraakiisha Ammaanka ee Heer Gobol iyo heer Degmo midnaba, hase yeeshee, sida lagu baahiyey Shabakadda wararka Internet-ka ee Berberanews oo warkan aannu ka soo xigannay ayaa lagu sheegay in  Maxamed Haybe oo ay u suurta gashay inay la xidhiidhaan ayaa isagu ku tilmaamay xadhiggiisa mid xaqdarro ah, isla markaana aanay Boolisku u sheegin wax denbi ah oo uu galay, balse waxa uu xusay in xadhiggiisa ay amreen Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

Maxamed Haybe oo arrintaas xadhiggiisa faahfaahin ka bixinayaana waxa uu yidhi; “Ma ogi illaa hadda sababta xorriyaddayda la iiga qaaday ee aan u xidhnahay xalay (habeen-hore) fiidkii ayaa la iga soo qabtay magaalada sheekh markii aan weydiiyay Taliyaha Saldhigga Sheekh waxa la ii haystana waxa uu iigu jawaabay; ‘Maxamedoow annaggu kuma haysanno ee waa amar nagaga yimi dhica Gobolka’. kadibna waxaan Taliyihii ku celiyey oo aan su’aalay yaa idin amray in la i soo xidho waxa uu iigu jawaabay; ‘Taliska qaybta’. Laakiin cidda ku haysataa waa Badhasaabka imminkana waxaannu kuu gudbinaynaa dhinaca Berbera’. Sidaas ayaana la iigu soo dhaadhiciyey Berbera.”

“Halkan (Saldhigga dhexe ee Berbera) markii la i keenay wax la i weydiiyey ma jirin OP-gana eedda lay haysto laguma qorin, hase yeeshee, waa la gaadhi xaqiiqada.” ayuu yidhi Maxamed Haybe Nuux. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi raaciyey; “Waxaan hayaa oo xadhiggaygan hadda ka hor aan helay Dhukummenti qoraal ah oo laygaga been-sheegayo iyada oo la leeyahay waxa uu maleegayey kacdoonno ka dhan ah Marwada Madaxweynaha xilligii ay socdaalka ku maraysay Magaalada Sheekh, taasoo aan si buuxda u soo bandhi doono caddaymahaasi marka la gaadho mana aha waxaan ka hadhi doono gefka uu igula kacay Badhsaaabku.”

Inkasta oo uu Maxamed Haybe ku adkaystay in aanu xaqiiqada xadhiggiisa ka danbeysa ogeyn haddana waxa jira warar aan rasmi ahayn oo sheegaya in Maxamed loo xidhay Qandaraas la sheegay in ay siiyeen Guddiga qaban-qaabada shirkii ay dhawaan Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqeen Beesha Saaxil in ay ku yeelan doonto Tuulada Dubur oo qiyaas dhowr iyo labaatan KM ah dhinaca Koonfureed ka xigta magaalada Sheekh.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories