HomeMid ka mida Xisbiyada dalka Finland oo dawladdooda u gudbiyey Dalab...

Mid ka mida Xisbiyada dalka Finland oo dawladdooda u gudbiyey Dalab ah inay Aqoonsato Madax-bannaanida Somaliland

Date:

Related stories

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

Helsinki (SLpost)- Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Biddixda ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Finland Marwo Kaisa Pekonen Aino, ayaa u soo jeedisay Xukuumadda dalkeedu inay aqoonsato aqoonsiga Madax-bannaanida Somaliland.

BARXildhibaan Aino ayaa sheegtay in labada Guddoomiye ee Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland ee UCID iyo WADDANI Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiramaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) yihiin Muwaaddiniin u dhashay dalka Finland, Siyaasadda dalkooduna saamayn ku leedahay khibraddii ay ka heleen Finland.

War-Saxaafadeed ay shalay soo saartay Ms. Aino ayey ku sheegtay inay gudbisay su’aal la xidhiidha in Xukuumaddoodu raadin karto fursadihii iyagoo la kaashanaya waddamada kale ee Yurub sidii Somaliland lagu aqoonsan lahaa.

“Somaliland oo Madax-bannaanideeda la soo noqotay 18, May, 1991, illaa maanta ma jiro waddan aqoonsaday madax-bannaanidooda, inkastoo muddo dheer ay kala gaar ahaayeen Soomaaliya. Somaliland waxay leedahay nidaam dimuquraaddi shaqeynaya, Madaxweyne la doortay.

Nidaamka dimuquraaddiga Somaliland dhinacyo badan wuxuu u muuqdaa mid laga bartay Finland, labada Guddoomiye ee Xisbiyada Mucaaradku waa Muwaaddiniin u dhashay dalka Finland, Siyaasadda dalkoodana ay saamayn ku leedahay khibraddii ay ka heleen.

Wax dhibaato ah uma arko in Finland aqoonsato Madax-bannaanida Somaliland noqotana waddamada ugu horreeya Midowga Yurub.” ayey War-Saxaafadeedkeeda ku tidhi Xildhibaan Kaisa Pekonen Aino.

 

XIGASHO: HIMILO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories