HomeMaxkamadda Gobolka Hargeysa oo Xukunno ku ridday laba masuul oo lagu helay...

Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo Xukunno ku ridday laba masuul oo lagu helay Lunsi Hanti Qaran

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maxkamada Gobolka Hargaya ayaa maanta  xukun ku rirday laba masuul oo ka tirsan  xukuumada Somaliland  kuwaasi oo ay ugu yaraan ku xukuntay midkiiba muddo shan sanno oo xadhig ah.

Labadan masuul ee xukunku ku dhacay ayaa kala ah Agaasimihii hore ee maamulka iyo lacagta  ee wasaarada waxbarashada Somaliland Ibraahin Aamiin Gadiid iyo Agaasimihii hore ee Xarunta Agoomaha magaalada Hargaysa Cabdirisaaq Cabdilaahi Maxamed (Kildhi).

Masuuliyiintan ayaa lagu soo eedeeyey in lagu helay musuqmaasuq iyo Lunsi hanti Qaran, waxaana Labadan masuul ee lagu eedeeyey musuqmaasuqa  iyo hanti lunsiga qaran maxkamadda Gobolka Hargaysa ay saaka ku xukuntay Shansanadood  oo xadhig ah.

Sidoo kalena, Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargaysa  Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa sheegay in muddo ay socotay dhagaysiga dacwada labadan masuul oo ay  maxkamadu dhagaysanaysay markhaatiyada  la hor keenay  isla markaana ay saaka xukunka ku rideen.

blankMaxkamada Gobolka Hargaysa ayaa waxay ku xukuntay Ibraahim Aamin Gadiid shan sanadood oo xadhig ah iyo inuu soo celiyo lacag toos ah oo uu ka soo qaaday Ha’yadaha caalamiga ah ee wasaarada waxbarashada la shaqeeya, lacagtaasi oo lagu sheegay xadigeeda  107 kun oo dollar, taasi oo uu ku tagri falay, masuulkan  ayaa sidoo kale lunsaday  lacag dhan 110 milyan  oo Somaliland Shilin ah taas oo ay wasaarada waxbarashu lahayd.Masuulkan oo wasaaradda waxbarashada ka shaqaynayay ilaa wakhtigii dawladdii Rayaale, waxa kale oo dhaliilo u jeediyay shaqaalaha kala duwan ee wasaaradda waxbarashada oo ay ka mid yihiin macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada dawladda oo mushahar la’aan in badan ku shaqaynayay kuwaas oo ku eedeeyay inuu ka musuq-maasuqay mushaharkoodii oo uu ay in badan uga daba fadhiyeen wasaaradda waxbarashada maamulkii Rayaale.

Sidoo kale, agaasimihii hore ee Xarunta Agoomaha Hargaysa Cabdirisaaq Cabdillaahi Maxamed (Kildhi) ayaa lagu xukumay Shansanadood oo xadhig ah, waxaana  sidoo kale masuulkan lagu helay inuu lunsaday Raashin ay lahayd Xarunta Agoomaha ee Hargaysa iyo waliba lacag kale.

Xukunka labadan masuul ayaa waxa soo dhaweeyay dadweyne aad u badan oo saamayn weyn kala kulmay wakhtigii ay maamulka ka hayeen hay’adaha dawladda ee ay ka shaqaynayee.

Maaha markii ugu horreysay ee xukun noocan ah lagu qaado masuuliyiin ka tirsan dawladda hadda iyo maamulkii hore ee madaxweyne Rayaale.

SomalilandPost

Hargeysa News Desk

somalilandpost08@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories