Maxkamad Ku Taala Maraykanka Oo U Diiday Haween Taageerada Al-shabab Ku Eedaysan Rafcaan

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Us (SLpost)-Maxkamada ku taala wadanka Mareykanka ayaa mar kale u diiday inay racfaan qaataan lab haween Soomaali reer Minnesota ah oo lagu eedeeyay iney dhaqaalo u aruursheen Ururka Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama.

 

Amina Farah Ali, 39, and Hawo Mohamed Hassan, 68, ayaa sanadkii 2011 lagu eedeeyay iney dhiiragaliyeen taageero xiligaa loo aruurinaye Al-shabab oo markaa awood balaadhan kulahaa badhtamaha iyo koonfurta Somaliya.

Maxkamada ayaa haweenkan Soomaalida ah kuheshay iney dhalinyaro uqoreen Al-shabab sidoo kalana ay lacag aad ufara badan ay u aruuriyeen Al-shabab , balse haweenkan ayaa ku dooday iney lacagahaas ay u aruuriyeen dadka saboolka ah ee soomaali ku dhibaateysan.

Aaamina Faarax Cali ayaa 20 sano lagu xukumay , halka Xaawo Maxamed-na lagu xukumay 10 sano , inkastoo hada loo diidanyahay iney racfaan qaataan.

Dhanka kale FBI-da Mareykanka ayaa aamisan in kudhawaad 22 dhalinyaro reer Minnesota ah ay u baxsadeen Soomaaliya si ay ugu biiraan Al-shabab tan iyo sanadkii 2007.

 

- Advertisement -

Latest News

UK Government raises concern over Journalist arrests in Somaliland

"Independent journalism, freedom of expression and civic space are signs of confidence and resilience in a democracy," - British...
- Advertisement -

More Articles Like This