HomeMaxaad ka taqaan xannuunka Rubella? Yaa halis u ah inuu Qaado? Sidee...

Maxaad ka taqaan xannuunka Rubella? Yaa halis u ah inuu Qaado? Sidee loola Tacaalaa?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankRubella  (oo loogu yeedho German measles ama Jadeecada Jarmalka) waa caabuq Jeermis-side  keeno si aad  ahna waa la isu qaadsiiyaa wuxuuna ku badan yahay carruurta wuxuuna kaloo ku dhacaa waayeelka. Waxaa dhici karta in aanu lahayn wax calaamad ah ama yeesho qandho sahlan, barar canija ah, xannuun isgoysyada ah iyo furuuruc wajiga ah kaas oo qaata laba ilaa saddex maalmood. Ka doorsashadu badanaa waa degdeg wayna dhamaataa.

Rubelluhu wuxuu ugu khatarsan yahay 20ka asbuuc ee ugu horreeya uurka. Waxay keeni kartaa in ilmuhu dhasho isagoo indha la’ wadnaha cilad ka qaba, ama leh iin garashada ah. Xaalladaas waxaa loogu yeeraa Congenital Rubella Syndrome (CRS).

Sidee Rubelluhu ku fidaa?

Rubelluhu wuxuu ku fidaa si la mid ah hargabka waxaana lagu gudbin karaa qufaca iyo hindhisada qof cudurka qaba.

Calaamadaha rubelluhu waxay qaataan ilaa laba asbuuc inay samaysmaan waxaana laga yaabaa in dadka qabaa aanay garan inay qabaan. Inta waqtigan lagu jiro, waxaa laga yaabaa inay ku fidin karaan cudurka dadka kale khaasatan dumarka uurkoodu bilawga yahay oo aan ka talaalayn. Uurku intuu yar yahay waa marka ilmaha khatartiisu ugu sarrayso.

Yaa qaada Rubella?

Qof waliba waa qaadi karaa haddii aan cudurku horay ugu dhicin, aan la talaalin, ama sabab darteed qofku aanu yeellan difaac adag. Badanaa talaalku wuxuu bixiyaa difaac laakiin 5 ilaa 10% kuwa talaalan ayaa qaadi kara rubellaha sababtoo ah ma aanay yeellan difaac adag oo ku filan jidhka.

Sidee kaga hortegi karnaa Congenital Rubella?

CRS iyo rubellaha waa laga hortegi karaa, sida ugu fiican oo looga hortegi karo ilma iin leh waxa weeye in la xaqiijiyo in dumarka oo dhan la laga talaalo rubella KA HOR inta aanay uurka yeellan.

Waa in uurka la iska ilaaliyaa haal bil talaalka ka dib waana in dumarka uurka yeeshay aan la talaalin ilaa dhalida KA DIB.

Carruurta oo dhan in la talaalaa waxay caawimaysaa joojinta inuu dadka dhexdiisa ku fido cudurku.

Dhamaan dadka dhashay intii lagu jiray ama laga soo bilaabo 1966 waa inay hubiyaan xaalladooda talaal si ay u xaqiijiyaan inay qaateen laba qadar oo ah talaalka MMR. Waxaa lagu dhiirigeliyaa inay is talaalaan si ay u xafidaan naftooda iyo tan bulshada.

Dhiiga oo la iska qaado KA HOR uurka aad ayuu muhiim ugu yahay si loo eego in qofka dumarka ahi leeyahay difaac kaamila ee rubellaha. Haddii difaacu hooseeyo ama aanu jirinba, Waa in talaalka MMR ama Rubellaha lagu celiyaa. Dhiig kale ayaa la qaadaa 6 – 8 asbuuc ka dib si loo xaqiijiyo in talaalkii sameeyey difaac adag.

Dadka khatarta ugu jiraa waa kuwee?

Dadka ku dhasha wadamada aan bixin talaal taxane ah waxay u baahnaan karaan talaalka rubella Khaasatan dadka ku dhasha wadamada Asia iyo Afrika ayaa lagu adkaynayaa talaalka rubellaha inta aanay uurkooda u horreeya yeellan maadaama intooda badani aanay lahayn difaac.

Xaggee talaalka laga hellaa?

Dhakhtarkaaga, rugta dhallaanka iyo hooyada, rugta qorshaynta qoyska, xarunta caafimaadka adeega talaalka dawlada hoose ayaa ku siin kara talaalka MMR.

Xasaasiyada – Dhibaha

Xasaasiyada talaalka MMR dhibta ka timaada waxaa ka daran dhibaatada ka timaada infakshanka rubellaha marka uur la yeesho. Waxa badanaa ka yimaadaa talaalka waxa weeye adoo dareema in aadan fiicnayn, qandho aad u hoosaysa iyo hadday dhacdoba furuuruc yimaada lix ilaa kow iyo taban berri talaalka ka dib.

Dadka la talaalay cudurka kuma fidinayaan kuwa kale.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories