HomeMarxuum Maxamed Saleebaan Tubeec oo Aas Qaran loogu sameeyey Magaalada Muqdisho iyo...

Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec oo Aas Qaran loogu sameeyey Magaalada Muqdisho iyo Xukuumadda Somaliland oo ku guul-darraysatay inay Fuliso dar-daaran uu Marxuumku ehelladiisa kaga tagay

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Muqdisho (SLpost)- Allaha u naxariistee waxa maanta gelinkii hore magaalada Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyey  Marxuum Maxamed Suleyman Tubeec oo Meydkiisa saaka laga soo dejiyey garoonka diyaarada ha ee Aadan Cadde.

Maxamed Saleebaan Tubeec oo ka mid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ee Qarnigii tagay taariikhda Dahabka ah ka galay suugaanta Soomaalida, ayaa todobaadkii hore ku geeriyooday cusbitaal ku yaala dalka Jarmalka oo uu xaalad caafimaad u yaallay muddo bilo ah.

aasqaranAaska Qaran ee loo sameeyey Marxuum Maxamed Saleebaan, waxa ka qayb-galay Raysalwasaraaha Soomaalida Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, Wasiirro xukuumadda ka tirsan, Xildhibaanno,  Fanaaniin iyo dadweyne aad u farabadan iyo xubno ka mid ah ehelada marxuumka.

ambalanceAllaha u naxariistee meydka marxuumka ayaa lagu aasay qubuuraha Iskuul Boliisiya, kadib markii laga soo gelbiyay garoonka diyaaradaha iyadoo salaadda  Janaasada lagula tukaday isla goobta lagu aasay.

turkishDhinaca kale, Xukuumadda Somaliland oo todobaadkan shaacisay inay Aas Qaran magaalada Berbera ugu samaynayso Marxuum Maxamed Saleebaan oo ku dhalashay deegaanka Laaleys ee gobolka Saaxil, ayaa ku fashilantay inay fuliso ballan-qaadkaas, ka dib markii ay ku guul-darraystay inay ka hawl-gasho soo qaadista Meydka marxuumka oo Qaraabadiisu ka codsatay xukuumadda in loo soo qaado dhinaca Somaliland, ka dib markii la sheegay inuu Marxuumku ku dar-daarmay in lagu aaso magaalada Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil.

111Arrinta ku saabsan Aaska Marxuum Maxamed Saleebaan iyo sidii Meydkiisa looga soo qaadi lahaa dalka Jarmalka, ayaa loolan siyaasadeed ka dhex-abuurtay xukuumadaha Somaliland iyo Somaliya, waxaana ugu dambayntii soo if-baxday inay xukuumadda Muqdisho ku guulaysatay inay Meydka Marxuumka ka dejiso magaalada Muqdisho oo ay hore u ballan-qaadeen in Aas Qaran loogu samayn doono, halka xukuumadda Somaliland ay u ballan-qaadday ehellada Marxuumka ee ku sugan magaalada Hargeysa inay ka taageerayso sidii Meydkiisa loo keeni lahaa magaalada Muqdisho.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories