HomeMarkale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo (Wasiir Maxamuud Xaashi)

Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo (Wasiir Maxamuud Xaashi)

Date:

Related stories

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada: Waa wasiirkii 8aad ee soo mara tan iyo markii la aasaasay wasaaraddaas sannadihii dhowr iyo sagaashanaadkii. Waxa uu saaxadda siyaasadda galay sannadkii 1997-kii oo uu ka mid noqday golihii awakiillada ee nidaamka beelaha ku dhisnaa, waxaannu ka mid ahaa mudanayaashii aadka u dhaliili jiray xukuumaddii marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waqtigaas oo marxuum Cigaal warbaahinta u mariyey naanays dad badan xasuustaan oo ahayd ‘OSAMA,’ waxaannu madaxweyne Cigaal isagoo eedaymaha uu u jeedin jiray ka jawaabayey waxa uu ku sheegay in xildhibaan Maxamuud Xaashi Cabdi xidhiidh la leeyahay shabakadda Al-qaacida, sidaa darteedna ugu magac-daray hoggaamiyahoodii Osama Bin Laden oo ciidammada Maraykanku ku khaarajiyeen gudaha dalka Pakistan laba sanno ka hor.

Wasiirka-Duulista-SomalilandDhawaaqa naanaystii marxuum Cigaal u bixiyey waxa ka dhashay in dad badan dareen cadho leh ka bixiyaan, kuwaas oo madaxweynaha ku eedeeyey in naanays-bixintiisu ahaa shirqool khatar ku ah kara ammaanka xildhibaan Maxamuud Xaashi iyo inuu dalka dibadda uga baxo, maadaama uu ugu magac-daray hoggaamiyihii argagixsada caalamiga ah ee Al-qaacida.

Markii ay kuraasta banneeyeen golihii wakiillada ee uu ka tirsanaa sannadkii 2005 waxa uu u dhoofay qurbaha, waxaannu ka dhex-baxay hawlihii siyaasadda Somaliland ee uu sannadaha badan ka dhex muuqan jiray.

Markale waxa uu masraxa siyaasadda ee lagu loollamo dib ugu soo laabtay wax yar ka hor doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay sannadkii 2010, isagoo safka hore ka galay baarqabyadii isku urursaday xisbiga KULMIYE ee garbaha u noqday in Madaxweyne Siilaanyo ku guulaysto hoggaaminta Somaliland, waxaanay kaalintii uu ka soo qaatay guushii xisbigiisu ka gaadhay doorashadii madaxtinimada u suurtogalisay inuu ku soo baxo liiska golihii ugu horreeyey wasiirrada xukuumadda oo Madaxweynuhu ku dhawaaqay 28-kii July 2010, iyadoo loo magacaabay xilka Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada. Waa kaftan-yaqaan siyaasadda ku af-dillaacsaday oo mucaaradku ka gubtaan hadalkiisa.

Waxa uu ka mid yahay wasiirro dhowr ah oo aanay weli taaban seefta Madaxweynaha Somaliland ee xil-ka-qaadista iyo isku-beddelka uu ku sameeyey golihiisa wasiirrada afartii sannadood ee uu dalka hoggaaminayey.

Sidoo kale, waxa lagu tilmaamaa wasiirrada ugu firfircoon, uguna waxqabadka badan xukuumadda KULMIYE, arrintaas oo loo aaneeyo inay kow ka tahay sababaha Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ugala xishoodo qallinka eriga, waana nin dhaqdhaqaaqyadiisa siyaasadeed laga dhex dareemo saaxadda siyasaadda.

Dadka aadka u taageera ayaa ku sifeeya wasiirkii ugu waxqabadka badnaa, uguna maamulka wanaagsanaa ee soo mara taariikhda Wasaaradda Duulista oo ay uga horreeyeen toddoba wasiir oo kale, iyagoo doodahooda markhaati-fur uga dhigta mashaariic horumarineed oo uu ka fuliyey madaarrada dalka, gaar ahaan garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo lagu sameeyey ballaadhin iyo casriyeyn heer caalami ah oo laga hirgeliyey muddadii uu xilka hayey, dib-u-dhis weyn oo casri ah oo lagu dhisayo Madaarka Burco oo muddo dheer xidhnaa, halka uu dib u furay garoomada magaalooyinka Boorama iyo Ceerigaabo.

Waxa uu door ka ciyaaray shaqo-abuurka da’yarta waxbartay ee dalka, waxana la xaqiijiyey inuu wasaaraddiisa ka shaqaalaysiiyey dhallinyaro tiradoodu gaadhayso 200 qof oo dhammaantood ka hawlgala qaybaha kala duwan ee wasaaradda iyo hay’adaha hoos-taga.

Waa masuul shaqo-maalmeedkiisu u badan tahay joogista madaarrada Hargeysa iyo Berbera oo uu xafiisyo ka dhex samaystay, inta badanna ka maqan xafiiskiisa rasmiga ah ee xarunta Wasaaradda, isagoo sidoo kale madaarka ku kordhiyey takaasida kirrada ah ee ay leedahay shirkadda Raaxo Taxi, arrintaasoo buuq badan ka dhallisay madaarka, kadib markii tagsiilayaashii muddada dheer garoonka ka xamaalan jiray ka gadoodeen arrintaas, balse markii dambe, waxa lagu heshiiyey in shirkadda Raaxo Taxi loo ogolaano inay madaarka ka shaqaysataan laba maalmood oo qudha.

Dhinaca kale, waxa jira dad dhaliila Wasiir Maxamuud Xaashi oo ku sheega nin awood reernimo ka haysta Madaxweyne Siilaanyo, taasina sabab u tahay inuu xeerkii Gar-adag kaga badbaado isku shaandhaynta madaxweynuhu dhawr jeer ku sameeyey golihiisa wasiirrada. Sidoo kale, waxa lagu eedeeyaa in muddadii uu xafiiska fadhiyey lunsaday dhaqaale badan oo caalamku ku caawiyeen horumarinta madaarrada Somaliland, gaar ahaan mashaariic lacago buuran ah oo dawladda Kuwait ugu deeqday casriyeynta iyo ballaadhinta garoomada diyaaradaha ee Hargeysa iyo Berbera, sidoo kalena goleyaasha sharci-dejinta ka xalaashaday qaadista cashuuro aan qasnadda dawladda ku dhicin oo uu kelidii ku takrifalo, cid kala xisaabtantaana aanay jirin, iyadoo sidoo kalena lagu xidhiidhiyo inuu qaabab kala duwan oo ku dhisan ujeeddooyin la xidhiidha danaysi shakhi u qaato shaqaalaha, halka sidoo kale dhawr jeer uu shaqaale kala duwan eryey, kuna beddelay kuwo ay dhalleen ama wateenba xildhibaanno baarmalaanka ka tirsan, arrintaasoo oo abaalgud u ah xeerar faa’iido dhaqaale wata oo Golaha Wakiilladu u ansixiyeen.

Waxa lagu xantaa nin qab weyn oo dadka iska sarraysiiya, waqti badanna ku lumiya is-qurxinta naftiisa, xiirashada timihiisa iyo kala-beddelka lebbisyada.

 

XIGASHO: JAMHUURIYA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories