HomeMaraykanka iyo Midowga Yurub oo Cuna-qabatayn ku soo Rogay gobolka Crimea ee...

Maraykanka iyo Midowga Yurub oo Cuna-qabatayn ku soo Rogay gobolka Crimea ee Ruushka ku biiray

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Simferopol (SLpost)- Baarlamaanka Crimea ayaa ansixiyey qaraarka madaxbanaanida iyo ku biiritaanka dalka Ruushka ka dib aftidii shacabka laga qaaday, halka Midowga Yurub iyo Maraykanku ku soo rogay cuna-qabatyn madax ka tirsan Crimea iyo Ruushka.

Ka dib aftidii Axadii, baarlamaanka Crimea ayaa u soo jeediyey “Baarlamaanka federaalka Ruushka inuu aqbalo sidii jamhuuriyadda Crimea u yeelan lahayd meqaam jamhuuriyadeed,” sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay.

Natiijooyinkii hordhaca ee tirinta codadkii aftida ayaa muujinayey in boqolkiiba 96.7 shacabka Crimea u codeeyeen ku biiritaanka Ruushka, sida gudoomiyaha Komiishanka codeyntaa Mikhail Malyshev, sheegay shalay.

Aqalka hoose ee baarlamaanka Ruushka ayaa la filayaa inuu meelmariyo xeer ogolaanaya in Crimea ku soo biirto Ruushka maalmaha soo socda, sida wakaalada wararka Ruushku ka soo xigatay ku-xigeenka baarlamaanka Ruushka. “Natiijooyinka aftida ee Crimea waxay muujisay sida shacabku u doonayaan inay qeyb ka noqdaan Ruushka,” ayuu Sergei Neverov sheegay.

Dhinaca kale, Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa qaaday talaabooyin cuna-qabatayn lagu saarayo masuuliyiin ka tirsan Crimea iyo dalka Ruushkakulan qaatay muddo saddex saacadood oo wasiirada Khaarajiga 28 wadan oo Midowga Yurub ka tirsan yeesheen shalay ayey ku go’aamiyeen, Cuna-qabatayn, xadidaada socdaalada iyo xanibaada hantidoda 21 masuul oo ka tirsan Ukraine iyo Ruushka,” ayaa lagu sheegay fariin wasiirka Khaarajiga Lithuanian Linan Linkevicius ku baahiyey bartiisa Twitter. Isagoo raaciyey. “Talaabooyin kale ayaa maalmaha soo socda la qaadi doonaa.”

Wadanka Maraykanka ayaa ku dhawaaqay talaabooyin cuna-qabatayn xanibaada hantidooda oo Madaxweyne Obama sheegay inuu ku soo rogay dalka Ruushka iyo Crimea, saamaynaya masuuliyiin ay ka mid yihiin Raysal-wasaaraha Crimea Aksjonov of Crimea iyo Raysal-wasaare-xigeenka Ruushka Dmitry Rogozin, oo madax u ah warshada hubka Ruushka.

Maraykanka iyo Midowga Yurub saraakiil ka tirsan ayaa sheegay inaanay macquul ahayn talaabo milateri oo ku waajahan Crimea, oo Midowga Soofiyeetigu ku wareejiyey Ukraine 60 sannadood hortood.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories