HomeMAR KALE IYO FALAQEYNTA 26-KA WASIIR EE XUKUUMADDA SIILAANYO: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada

MAR KALE IYO FALAQEYNTA 26-KA WASIIR EE XUKUUMADDA SIILAANYO: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada

Date:

Related stories

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare: Waxa ay ka mid tahay haweenka aqoonyahanka ah ee reer Somaliland. Ka hor intii aan xilka wasiirnimo loo magacaabin 28 July 2010 waxay tan iyo sannadkii 1991-kii ka shaqaynaysay hay’adaha samafalka iyo kuwa xuquuqal-insaanka, waxaanay markii dalka lagu soo laabtay waddanka keentay hay’ad la odhan jiray SOMRA oo mid ka mid ahayd hay’adihii ugu horreeyey ee ka hawlgalay Somaliland, taas oo caawin jirtay adeegyada caafimaadka iyo dhakhaatiirta. Haseyeeshee, nasiib-darro hay’addaasi muddo dheer ma sii shaqayn, kadib markii kooxihii malleeshiyooyinka ee loo yaqaanay Daydaygu ka dhaceen baabuur cusub oo hay’addu lahayd.

Samsam Cabdi AadanXilligaas kadib waxay aasaastay hay’ad samafal waddani ah ilaa hadda ka shaqaysa dalka. Sidoo kale, waxay madax ka noqotay dalladdii ay ku bahoobeen ururrada xuquuqal-insaanka Somaliland ee SHURO, taas oo xukuumaddii Madaxweyne Rayaale albaabada u xidhay kadib markii ay u aragtay inay tahay mid adeegta mucaaradkii ka soo horjeeday, gaar ahaan xisbiga KULMIYE oo waqtigaas ku hayey culays siyaasadeed xooggan oo sabab u noqday inuu xukunka kagala wareego UDUB.

Waa hawlkar iyo talo-qabeen ka dhex muuqata masraxa siyaasadda Somaliland. Waxa ay saaxiibtinimo qoto-dheer oo adag la wadaagtaa marwada 1aad ee Madaxweynaha, sidaa darteedna waxa loo aaneeyaa inay saamayn weyn ku leedahay dhaqdhaqaaqyada siyaasiga ah ee ka socda gudaha Madaxtooyada Somaliland iyo guud ahaanba dalka, waxana lagu tilmaamaa haweenayda keliya ee si fiican ula qabsatay wareejinta giraanta siyaasadaha dalka gudihiisa ka socda, waxaanay ka mid tahay dhowrka wasiir ee ka hadhay golaha xukuumadda ugu horreysay ee uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) dhisay markii uu talada la wareegay afar sannadood ka hor.

Waxa kaloo lagu tiriyaa gadh-wadeenka olole haweenka saaxiibka la ah marwada 1aad dabada ka riixayaan oo culays badan ku saaraya Madaxweynaha meel-marinta mashruuc-sharci dhawr jeer dhicisoobay oo madaxtooyadu ku doonayso inay Golaha Wakiillada ku dirqido ansixinta xeer u oggolaanaya haweenka iyo dadka lagaga tirada badan in kuraas kooto ah laga siiyo doorashooyinka, kaas oo hore goluhu ansixintiisa u diiday, iyagoo xildhibaannadu ku dooday inuu ka horimanayo distoorka qaranka. Hase ahaatee, Madaxweyne Siilaanyo ayaa markale dib u soo cusboonaysiiyey socodsiinta xeerkaas, kadib markii sida la sheegay dumarku culays xooggan arrintaas saareen.

Marka la eego dhinaca waxqabadka waxa loo wada qirsan yahay rikoodhka xasuusta u galay inay noqoto wasiirkii horreeyey ee ku guulaysta in bilaash laga dhigo waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe ee dawladda oo ay wax ka bartaan ardayda ugu tiro badan guud ahaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, tallaabadaas oo lagu sifeeyey libin iyo guul aan cid kale la wadaagin oo Wasiir Samsam ku fulisay mid ka mid ah ballanqaadyadii ugu muhiimsanaa ee xukuumadda KULMIYE ku gashay ololihii doorashada madaxtinimada ee dalka ka qabsoontay 26 June 2010, taas oo ay mutaysatay ammaan iyo bogaadin aan loo kala hadhin, iyadoo sidoo kale ku guulaysatay in adeegyada waxbarashada dawladdu gaadhaan guud ahaanba degaannada Somaliland, waxayna noqotay masuulka qudha amaan kala kulmay degaanno safar dheer madaxweyne Siilaanyo ku maray.

Muddadii Wasiir Samsam haysay xilka Wasaaradda Waxbarashadda, waxa la kordhiyey mushaharooyinka macallimiinta, waxaanna la shaqaalaysiiyey barre-yaal badan oo aan hore ugu jirin miisaaniyadda dawladda, taasoo ka qaybqaadatay nidaamka shaqaalaysiinta dalka ka socda.

Dadka dhalliila Wasiir Samsam Cabdi Aadan, ayaa aaminsan in waxbarashada dugsiyada dawliga ahi aad hoos ugu dhacday muddadii ay xilka haysay, halka tacliinta dugsiyada gaarka loo leeyahay aad uga sarayso ta dawliga ah, iyadoo arrimahaasna loo aaneeyo waxbarashada dawladdu bilaashka ka dhigtay, taasoo meesha ka saartay dhaqaalaha macallimiintu heli jireen, maadaama mushaharka ay dawladda ka qaataan ku filayn nolol-maal-meedkooda, taasoo keentay in macallimiinta tayada lahaa u digo-rogtaan dhinaca dugsiyada gaarka loo leeyahay oo ay dhaqaale fiican ka helaan.

Waxa lagu xantaa qabiiliyad kala-xigtaysata bulshada reer Somaliland ee ay madaxda u tahay, awoodo badanna ka haysata qasriga madaxtooyada, taasina u suurtogalisay inay faraha la gasho hawlo ka baxsan xilka iyo masuuliyadaha wasaaraddeedu u xilsaaran tahay, iyadoo lagu tilmaamo inay xubin firfircoon ka tahay guurtida aan shaarubaha lahayn saamaynta togan ku leh talada dalka Somaliland.

XIGASHO: Jamhuuriya

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories