HomeMagacyada iyo Macnaha Raggii iyo Dumarkii Hore ee Soomaalida

Magacyada iyo Macnaha Raggii iyo Dumarkii Hore ee Soomaalida

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Deegaanada ay Soomaalidu ku dhaqan tahay ee Geeska Afrika waxa lala baxaa magacyo kala duwan, oo deegaan kastaa leeyahay magacyo u gaar ah. Balse waxa jira magacyo ay isku mid ka yihiin. Sidoo kale magacyadu waxa ay ka turjumayaan ujeedooyin kala duwan oo duruufo kala duwan wata. Tusaale ahaan Maydhane marka loo bixiyo wiilka, wuxuu magacani ka turjumayaa wiil midab ahaan caddaan ah. Sigad marka wiilka loo bixiyo, wuxuu ka turjumayaa hooyadii oo umul-aroori gaadhay (Foosha ku dhiman gaadhay), ama isaguba uu dhimana gaadhay. Qawdhan marka wiilka loo bixiyo, wuxuu ka turjumayaa wiilka oohinta bata. Guhaad marka wiilka loo bixiyo wuxuu ka turjumayaa wiil hooyadii mar kasta caanaha naaska ka dalbada. Wayrax marka wiilka loo bixiyo wuxuu ka turjumayaa qaylo iyo cadhado badan. Naaleeye marka wiilka loo bixiyo wuxuu ka turjumayaa wiil dhashay reerkii oo abaarihi hayso, ka dibna dhalashadii ka dib barwaaqo la helay. Suudi wiilka loo bixiyo wuxuu ku turjumayaa kulayl, oo wiilka ayaa dhashay wakhti kulul. Magan marka wiilka loo bixiyo wuxuu ka turjumayaa wiilkaasi oo hooyadii la furi lahaa oo wiil dhashay, kadibna furitaankii laga noqday. Beyle waxa loo bixiyaa wiilka midab ahaan madow.

Haddii aynu intaasi ku dhaafno ujeedooyinka magac-bixinta qaar ka tirsan wiilasha, bal aynu soo bandhigno magacyo kale.

Kaliil, Habe, Maydhax, Cabbane, Toor, Food, Guhaad, Cadceed, Hayaan, Dharaar, Galool, Guure, Digaale, Good, Sahal, Cosoble, Kabadhe, Cadaawe, Qudhac, Colaad, Xidig, Xalane, Quule, Hufane, Dalmar, Looyaan, Birmad, Kuluc, Geelle, Cartan, Dhiid, Naaleeye, Xareed, Samo-kaab, Mooge, Oogle, Wayrax, Dugsiiye, Dhuux, Hired, Halac, Kaahiye, Tarax, Ceelaabe, Khaliif, Ciid, Xaamud, Janaalle, Khayre, Caagane, Bulxan, Beyle, Xiis, Raage, Odawaa, Magan, Salaad, Dabayl, Dhimbiil, Shire, Nadiif, Suudi, Ayaanle, Cige, Kaynaan, Buraale, Daacad, Guudle, Canshuur, Xandulle, Dafle, Dirir, Rooble, Saalax, Caydiid, Gadiid iyo Xil-diid, Ciiltire.

Magacyad Dumarkii Hore Iyo Macnahooda

Dhinaca dumarka sidii inamada oo kale ayey magac-bixinta loogu bixiyaa. Haddii aynu qaar tusaale u soo qaadano. Bishaaro marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa qoys dhashu ka raagtay, ka dibna inantii ugu horaysay u dhalatay. Shaqlan marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh Hililb leh (Buuran). Warla marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh aabaheed dhintay iyada oon dhalan, Hooyadeedna dhimatay markay soo dhalatay ka dib. Haldhaa marka gabadha loo bixiyo ,waxa ay ka turjumaysaa qurux.

Haldhaaga waxa la yidhaa Gorayada ka lab. Dhudi marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh dheer, qurux badan oo dhuuban. Jamaad iyo Jinnow marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa macaan. Jamaad iyo Jinnow waa markay caanaha geelu il-qaad noqdaan ama yara dhanaan. Xaadsan marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh nadiif ah. Degmo marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadha debeecad ahaan degan. Cambaro marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa reer inamo badan lahaa, oo bilaa Inan ahaa. Markaa gabadhii waa qaali oo Cambar ayey noqotay. Cutiya marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa cayilaad ama gabadh Buuran.Yusra marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh midab ahaan maariin ah. Dhool marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh midkeedu caddaan. Miido marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh nadiif ah. Miidku waa marka subuga la miiro ee uu nadiifta yahay. Xaali marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh dhaqankeedu fiican yahay. Intaasi haddii aynu ku dhaafno micnaha magacyada, bal aynu soo qaadano magacyo kale.

Barni, Raaxo, Miido, Jinnow, Qumman, Bullo, Carro, Halgan, Aragsan, Bayddan, Hogol, Jawaahir, Hufan, Dugsoon, Ceebla, Doonbiro, Koos, Cutiyo, Ardo, Ilwaad, Kaaba, Cosob, Geenyo, Naqwo, Asli, Cawo, Kinsi, Jamaad, Gobaad, Degmo, Magool, Nasteexo, Haweeya, Beer-lula, Luul, Yusur, Wacan, Tusmo, Suubban, Shuun, Xaadsan, Dhiimo, Warsan, Timiro, Saxarla, Shacni, Xoriyo, Udgoon, Xaali, Sareedo, Toosan, Siraad, Waris, Ladan, Hira, Qoran, Kaafiya, Cartama, Roon, Hoobaan, Muraayo, Istaahil, Ubax, Wiilo, Tiriig, Xamdi, Cawrala, Mullaaxo, Gargaara, Baar, Ugaaso, Dhool, Deggan, Amran, Cadar, Milgo, Johorad, Dhiin, Arliyo, Siman, Werdiyo, Bood, Cambaro iyo Salaado.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac:

Ururinta iyo Macnaynta Magacyadan waxa door weyn ka qaatay. Cali Nuux Ducaale oo ah Qoraa dhaqanyaqaan ah iyo Nuur Xaaji Jilaal oo sugaanyahan ah oo labaduba degan Hargaysa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories