HomeMadaxweyne Siilaanyo oo sharraxay Maxsuulka uga soo Baxay Socdaalkiisa gobollada Dalka (DAAWO...

Madaxweyne Siilaanyo oo sharraxay Maxsuulka uga soo Baxay Socdaalkiisa gobollada Dalka (DAAWO SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Burco (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriaydda Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa tafaasiil ka bixiyey natiijada uga soo baxday socdaalka todobaadka qaatay ee weftiga uu hoggaaminayaa ku galaa-bixiyeen gobollada iyo degmooyinka dalka, waxaanu ku sifeeyey inuu ahaa socdaal ay ku ogaadeen xaqiiqooyin ay xukuumad ahaan ka indho-saabnaayeen.

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayey oo Caawa fiidkii soo gaadhay magaalada Burco, ka dib markii uu soo maray degmooyinka Caynaba, Gar-Adag iyo Ceel-Afweyn oo ka kala tirsan gobollada Sanaag iyo Saraar, ka hor intii aanauy ka soo amba-bixin maanta gelinkii hore xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo oo uu dorraad xadhigga kaga jaray bilowga dhismaha waddada isku xidhaysa Ceerigaabo iyo gobollada kale ee dalka.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmooyinkaas, waxaanay isaga iyo masuuliyiintii la socotay dadweynaha ku dhaqan kala hadleen meel fagaare ah, iyaga oo ku guubaabiyey inay si ballaadhan uga qayb-qaataan tabarucaadka dhismaha jidka Ceerigaabo.

Md Axmed Siilaanyo oo meel-fagaare ah kala hadlayey dadweynaha Reer Caynaba, ayaa tafaasiil ka bixiyey waxyaabaha uga soo baxay socdaalka ay gobollada dalka ku galaa-bixiyeen, kaas oo uu ku tilmaamay inuu aahaa mid soo shaac-saaray baahiyaad iyo tabashooyin huursanaa ay ka ogaadeen shacabka deegaankaas.

Madaxweynaha oo sifeynayey natiijada socdaalkooda gobollada, waxa uu yidhi,“Aniga iyo weftiga ila socdaa, waxaanu ku soo wareeegnay qaybo badan oo dalka ka mid ah, jid dheer baanu soo marnay, waxa dalku qabo ayaanu soo ogaannay, waxay tirsanayaan baanu soo ogaannay, waxaanu soo ogaannay waxa dalka baahidiisu tahay iyo waxa ay dadku qabsadeen. Waxaanu soo ogaannay niyad-wanaagga ay dadku u hayaan dalkooda iyo madaxtooda iyo sida ay jecel yihiin in wax loola qabto.

Waxaanu soo ogaannay inay dadka reer Somaliland yihiin dad waddaniyiin ah oo jecel meel kasta oo ay joogaan inay isku xidhnaadaan, inay dalkooda horumariyaan, inay ka qayb-galaan dhinac kasta oo la xidhiidha horumarinta dalkooda. Aad iyo aad ayaanu ugu faraxnay dalkii iyo dadkii aanu  la soo kulannay.”

Madaxweyne Siilaanyo oo meel fagaare ah kala hadlayey shacabka ku dhaqan degmada Gar-Adag, ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan baahiyaad tiro badan oo ka jira dalka, haseyeeshee waxa uu ku dhiirigeliyey inay ka qayb-qaataan tabarucaadka jidka Ceerigaabho, waxaanu yidhi, “Intii aanu dalka soo maraynay waxaanu soo ogaannay in baahiyaadka dalka ka jiraa uu fara-badan yahay, mar walbana waxaanu ka ballan-qaadaynaa wixii aanu ka qaban karno inaanu qabanno, Insha Allahu wax wax-ku-ool ah ayaanu ka qaban doonaa baahiyaadkaas, codsiyadiinana qiimaha ay leeyihiin waanu siinaynaa, waxaanan ku kalsoonahay inaad doorkiina ka qaadan doontaan waddadaas la dhisayo ee dalka oo dhan isku xidhaysa.”

Madaxweynuhu waxa uu shacabka degmadaas uga mahad-celiyey taageero ay ku garab joogsadeen xilligii uu mucaaradka ahaa, “Markii iigu horreysay maaha Gar-adag. Horaan u imi wakhtigii aan ololaha ku jiray. Geedkaas hoostiisa ayaa laygu soo dhaweeyey, taageero badan ayaan dadkan iyo shacabkan ka helay, maantana runtii abaal-baan u hayaa,” ayuu yidhi Md Axmed Siilaanyo.

Madaxweynaha iyo Weftigiisa, ayaa ka hor intii aanay maanta gelinkii dambe soo gaadhin magaalada Burco oo ay xalay u hoydeen, waxa kale oo ay soo mareen degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey, halkaas oo ay hadallo bogaadin iyo ka-qaybqaadashada jidka Ceerigaabo isugu jira ay uga jeediyeen goob-fagaare ah oo si heersare loogu diyaariyey

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories