HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Shacabka Somaliland iyo Eheladii uu ka Geeriyooday Ka tacsiiyey...

Madaxweyne Siilaanyo oo Shacabka Somaliland iyo Eheladii uu ka Geeriyooday Ka tacsiiyey Marxuum Caaqil CAbdi Caaqil Maxamed Caaqil Cigaal

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Shacabka iyo Ehelladii uu ka baxay ka tacsiyeeyey Alle ha u naxariistee Marxuum Caaqil CAbdi Caaqil Maxamed Caaqil Cigaal oo maanta ku geeriyooday Shil baabuur oo ka dhacay duleedka degmada Berbera, isaga oo marxuumku ka mid ah Madax-dhaqameed la socotay Weftiga Madaxweyne Siilaanyo oo maanta ka soo amba-baxay magaalada Burco.

Dhambaalka Tacsiga ee Madaxweynaha, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Boqorada, Isimada, Ugaasyada, Sulaadiinta, Cuqaasha, Shacabka Reer Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya Geerida Naxdinta leh ee ku timid CAAQIL CABDI CAAQIL MAXAMED CAAQIL CIGAAL kuna magac dheeraa Inna Hadoodil oo 20.03.2014 maanta ku geeriyooday Shil-baabuur oo ka dhacay agagaarka Hudisa oo u dhaxaysa Berbera iyo Sheekh, isaga oo marxuumku ka mid ahaa Masuuliyiintii ka qaybgalay soo dhawaynta Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu ku tilmaamay Caaqilkan masuul qaran oo ka baxay Somaliland kana mid ahaa dadkii ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isla markaana Xilka Caaqilnimada ka mid ahaa dadka fara-ku tiriska ah ee ugu faca-weyn Somaliland, ka awoow ka awoow soo hayey caaqilnimada, uu maanta isaga oo haya la geriyooday.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii, uu ka baxay Marxuumku isaga oo alle uga baryaaya inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories