HomeMadaxweyne Siilaanyo oo Shacabka Deegaamadiii uu Safarka ku maray Ku Hambalyeeyay Sida...

Madaxweyne Siilaanyo oo Shacabka Deegaamadiii uu Safarka ku maray Ku Hambalyeeyay Sida ay ugu Soo dhaweeyeen Weftigii uu hoggaaminayey

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

IMG_0108Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo, ayaa shacbiga Somaliland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan deegaamadii uu safarka ku maray ku hambalyeeyey sida ay u qaabileen isaga iyo Weftiga Ballaadhan socdaalka 10-ka maalmood qaatay ku marayey gobollada dalka.

Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti ballaadhan oo isugu jira Golihiisa Xukuumadda, Baarlamaanka (Guurti iyoWakiillo) iyo xubno ka tirsan Xisbiga Talada haya ee Kulmiye, ayaa socdaal laba todobaad qaatay ku galaa-bixiyey gobollada kala ah Gabiley, Awdal, Selal, Saaxil, Togdheer, Sanaag, Badhan iyo Saraar.

War-saxaafadeed caawa ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada oo lagu faafiyey hambalyada madaxweynaha, ayaa u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo) isaga oo ku hadlaaya afkiisa Afka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland iyo Afka Weftigii Qiimaha badnaa ee uu hogaaminaayey kuna wehelinaayey Safarkii dheeraa ee Mudada 10-ka Cisho qaatay ee la magac baxay Hillaacii Xeebaha Somaliland, waxa uu Hambalyo u dirayaa Dhamaan Bulshada reer Somaliland, meel ay joogaanba haddii ay noqon lahayd kuwa ku dhaqan Gobolada iyo Xeebaha uu madaxweynuhu soo maray iyo hadii ay noqon lahayd kuwa kala socday Warbaahinta ee ku dhaqan qaaradaha Aduunka iyo Dalkaba.

Hambalyada Madaxweynuhu u diraayo shacbiga ayaa ah mid la xidhiidha sidii diiranayd ee Gobol, Degmo, Tuulo iyo Miyiba loogu soo dhawaynaayey iyaga oo muujinaaya dareenkooda Muwaadin-nimo, Madaxweynahana ku hambalyeeyey go’aanka geesinimada leh ee uu ugu badheedhay safarka dheer ee uu ugu kuurgelaayey sidii uu xogolaal ugu noqon lahaa waxay ku sugan yihiin shacbiga uu hogaaminaayo meel ay joogaanba.

Madaxweynaha oo ku soo guryo noqday maanta Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo uu 10-03-2014 uga baxay Galbeedka Somaliland 20.03.2014 kana uu ka soo galay Bariga Somaliland markii uu ka soo wareegay Xeebaha Somaliland, ayaa si gaara ugu mahadnaqayaa shacbiga sida wayn u soo dhaweeyey ee u taagnaa wadooyinka sidii ay madaxweynaha u soo dhawayn lahaayeen.

Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland Illaahay uga baryayaa inuu ku simo bash-bash, barwaaqo, iyo Rayn-rayn inay ku gaadhaan kuna noolaadaan ilaashadaana nabadgelyada iyo xasilooninada Somaliland maanta ku naaloonayso una saamaxday in weftiga Madaxweynuhu si nabada ugu soo wareego meelo dalka intiisa badan ka mida.

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

 Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories