HomeMadaxweyne ku-xigeenka Somaliland Xafiiskiis ku Qaabilay Wefti ka socday Qaramada Midoobay

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Xafiiskiis ku Qaabilay Wefti ka socday Qaramada Midoobay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil (Saylici) oo ay wehelinayaan Guddigii Xukuumadda ee Taakulaynta abaaraha Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Qaramada Midoobay.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Weftiga Qaramada Midoobay waxa hoggaminayay Agaasimaha Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka Mr. John Ging.

Warsaxaafadeedka madaxtooyada oo dhammaystiran ayaa u dhignaa sidan: “Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa saaka qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti 3 xubnood ka kooban oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha gargaarka Bini’aadamnimo (OCHA) Mr. John Ging.

Madaxweyne ku xigeenka oo ay kulanka ku wehelinayeen guddida Qaranka Abaaruhu waxa uu weftiga uga waramay saamaynta ay abaartu ku yeelatay Somaliland iyo in ay guddida abaaruhu 6 kooxood u kala direen gobollada si ay u soo taabtaan xaalada dhabta ah ee ka jirta deegaanadaas gobolada iyo saamaynta ay abaartu ku yeelatay dadka iyo xoolahaba. “Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici iyo Guddida Abaaraha Qaranka Somaliland waxa ay u bandhigeen weftiga xaaladda abaaraha dalka taagan, waxaana ay tilmaameen in roobabkii la filayay inay wadanka ka da’aan xilliga Gu’gu ay yaraadeen 60%, taasina ay dhalisay in abaaro aad ahi saameeyeen Galbeedka Sool, badhtamaha Nuugaal, qaybo ka mid ah Hawdka iyo xeebaha silsilada Golis.-         Waxa kale oo ay guddidu warbixintooda ku xustay in dadka ku barakacaya abaarahan wadanka gudihiisu ay gaadheen 45% qiyaas ahaan.      

 Warbixinta guddidu waxay kaloo xustay in dalagii soo bixi lahaa xilli roobaadku uu dhexdhexaad yahay gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer, hase yeeshee gobollada Maroodi-jeex, Awdal iyo xeebta silsilada Golis ayaa hoos-udhac wayni ku yimi.        

Dhinaca xoolaha waxay guddidu warbixintooda ku sheegeen inuu hoos-u-dhac wayni ku yimi xoolaha 60%.-        

Meelaha nafaqa-daradu ka jirto xaaladda abaareed darteed waxa ay guddidu ku sheegeen silsilada Buuralayda Golis oo ay xaalada nololeed aad u adag tahay, Hawdka ayaa isagana laga dayriyay, dhinaca Nuugaal ayaa ka mid ah meelaha xaalada abaareed qalafsan tahay.         

Guddidu waxay warbixintooda ku muujiyeen baahiyaha oo ay kaw ka tahay in la dhiso Dhaamamka biyaha, meelaha u baahan in dhaamamka laga sameeyana waxay kala yihiin Salal, Biji, Togdheer, Waaheen, Oodweyne iyo meelo kale oo ka mid ah xeebaha.-          In la sameeyo wacyigelin iyo tababaro dhinaca digniinaha abaaraha la xidhiidha.\-         In la helo 3 bilood raashinka WFP ay ku quudiso dadka oo gaadhaya 24,000HH –         In la dayactiro 2400 Barkadood oo ku kala yaala 180 Tuulo wadanka ka tirsan.” Gebo-gabadii warbixinta Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa weftiga u sheegay inay Somaliland xaaladadeedan abaareed la socodsiisay wufuud badan oo ka kala socotay Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inteeda kaleba, balse aanay wax jawaab ahi kaga soo noqon.Madaxweyne ku xigeenku waxa kale oo uu sheegay weftiga in Somaliland iyada oo duruuftaas abaareed qabta hadana ay ka damqanayso macaluusha taagan Soomaaliya.Agaasimaha OCHA Mr. John Ging waxa uu Somaliland ku ammaanay maamul-wanaaga iyo sida ay xukuumadu u hogaamisay dedaalkii ay abaarta iskaga caabiday.Waxa kale oo uu Somaliland ku ammaanay dareenka bini’aadamnimo ee ay ka muujisay xaalada Somaliland.Dhinaca kalena madaxa weftigu waxa uu ka garaabay in ay qaramada midoobay iyo beesha caalamkuba gaabis ka ahaayeen ka soo jawaabidda baahida abaareed ee Somaliland oo ah mid la taaban karo. Hase yeeshee waxa uu ku dhiiri-geliyay Madaxweyne ku xigeenka iyo guddida abaarahaba inuu socdaalkiisani ka duwan yahay kuwii hore oo la heli doono jawaab deg deg ah.” 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories