HomeMadaxweynaha Soomaaliya oo hay'adaha ammaanka dalkiisa dhaliilo u jeediyey iyo Afhayeenkiisii oo...

Madaxweynaha Soomaaliya oo hay’adaha ammaanka dalkiisa dhaliilo u jeediyey iyo Afhayeenkiisii oo is-casilay

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Muqdisho (SLpost)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shicibkiisa u soo jeediyay inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka oo uu dhaliilay shaqadooda kuna tilmaamay qaar aan gudan xilkooda.

Xasan Sh MaxamuudMadaxweynaha Soomaaliya oo hadalkiisani daba-socdo falal amni-darro oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey Muqdisho isla markaana lagu bartilmaameedsaday masuuliyiin dawladda ka tirsan, iyada oo lagu gudo-jiro shirar dhinaca amniga lagaga tashanayey oo magaaladaas ka socday.

“Ammaanka dalka inuu is-bedbedelo waxaa sabab u ah iyadoo mas’uuliyiinta ku howlan ammaanka aanay si wanaagsan u hanan ammaanka,” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu farriin u diray shacabka dalkiisa oo uu ka codsaday inay hay’adaha ammaanka ku garab-joogsadaan ilaalinta nabad-gelyada gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaanu yidhi, “Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa inay dulqaad muujiyaan oo ay la shaqeeyaan ciidammadda ammaanka si looga hortago kuwa falalka ammaan-darro ka geysanaya magaalada Muqdisho.”

Kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta ciidamada Dawladda Soomaliya iyo ciidamada huwanta ah Midowga Afrika, ayaa sheegtay masuuliyadda dilal loo geystay laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka dalkaas, kuwaas oo laba maalmood oo isku xigga siyaabo kala duwan loogu khaarajiyey badhtamaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhinaca kale, waxa maanta xilkii uu hayay iska casilay Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo sidoo kale ahaa La-taliyaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee dhinaca Warbaahinta, sida uu ku shaaciyey shir-jaraa’id oo maanta uu ku qabtay magaalada Muqdisho.

Eng Yariisow oo xilalkan hayay muddo sannad iyo dheeraad ah, ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyey sababta uu xilka isaga casilay, waxaanu meesha ka saaray in aanay waxba ka jirin warar sheegaya in khilaaf ka dhex oogmay isaga iyo masuuliyiinta sarsare ee Dawlada Soomaaliya.

Weli ma cadda sababata dhabta ah ee keentay is casilaada Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ahaana la taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhinaca warbaahinta Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisaw), haseyeeshee waxa maalmihii u dambeeyey isa soo tarayey isbeddel dhinaca amniga ah oo magaalada Muqdisho ku soo celiyey dilalka qorsheysan ee lagula kaco masuuliyiinta dawladda, taas oo muujinaysa inay kooxda Al-shabaab oo magaalada Muqdisho laga saaray sannado ah, ay wakhtigan awood ay hawl-galladooda ku fuliyaan ku yeesheen magaaladaas.

eng yariisow
Eng Cabdiraxmaan Yariisow

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories